ISIS oo ay isugu darantay laba arrin oo kala daran (Ma idlaaday waqtigooda?)

Ugu yaraan 5,600 oo ah taageerayaasha ururka la magac baxay dawladda islaamiga (IS) ayaa ku laabtay dalalkooda, ayadoo kooxda dhulal laga qabsanayo Ciraaq iyo Suuriya, sida ay sheegayso warbixin cusub.

Xarunta Soufan, oo ah hay’ad cilmi baarid oo ku taalla Maraykanka ayaa sheegaysa in 33 gobol ay soo tabiyeen in ay dagaallamayaal dib ugu soo laabteen labadii sano ee la soo dhaafay.

Tiradaas waxaa ku jira kala bar 850-kii qof ee la qiyaasayey inay ka tageen UK.

Warbixintu waxay sheegtay in qolyaha dib u laabtay, oo badidood xirnaa ama la waayey, ay sii wadi doonaan in ay noqdaan caqabad xagga amniga ah sannadaha soo socda.

IS ayaa weysay inta badan dhulkii “khilaafada” ay ugu yeertay Juun 2014, markaasoo ay soo jiidatay jihaad-doonayaal dunida isaga kala yimid.

Todobaadkii hore ayaa xulafada uu Maraykanku taageero ee Kurdiyiinta Suuriya iyo dagaallamayaal carbeed waxay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Raqqa, halkaasoo ahayd xarunta kooxda.

Warbixinta xarunta Soufran waxay sheegaysaa in qulqulka dagaallamayaasha shisheeyaha uu istaagay dabayaaqadii 2015, ayadoo kooxda IS ay u billowdeen dhirbaaxooyin guul darro ah, dalalkuna ay hirgaliyeen talaabooyin hagaagsan oo lagu koontaroolayey dhoofka.

Xogta la helay wixii ka dambeeyey dhicitaanka xarumihii maamulka ee IS sida Raqqa, waxay gacan ka gaysteen xaqiijinta 19,000 oo ka mid ah in ka badan 40,000 oo dagaallamayaal ajnabi ah oo ka kala yimid 110 dal, kuwaasoo ku soo yaacay Ciraaq iyo Suuriya si ay kooxda ugu biiraan.

Xogtu ma aysan sheegin waxa ku dhacay.

Ayagoo soo qaadanayey xogta laga helay maamulayaasha 33 dal, ayey xarunta Soufran sheegtay in ugu yaraan 5,600 oo ah dagaallamayaal ajnabi ah la rumaysan yahay iminka in ay dalalkooda ku laabteen.

Waxay isugu jiraan 400 oo ka mid ah 3,417 dagaallame oo Ruush ah; 760 ka mid ah 3,244 Sacuudi ah; 800 ka mid ah 2,926 Tunisia u dhashay; iyo 271 ka mid ah 1,910 Faransiis ah.

Waxaa kale oo jira tiro aan la aqoon oo dalal kale ka kala yimid, waxayna arrintan ka dhigan tahay caqabad weyn oo haysata hay’adaha amniga iyo kuwa fulinta sharciga sida ay warbixintu sheegayso.

Dumarka iyo carruurta soo laabanaya ayaa dhibaato gaar ah noqonaya, ayadoo dalalku ay la daalaa dhacayaan sida ugu fiican ee ay dadkaas mujtamaca u dhex gali karaan. Caafimaad maskaxeed oo hagaagsan iyo imkaaniyaad mujtamaca lagu taageero ayaa si gaar ah loogu baahan yahay in loo adeegsado carruurta sida ay warbixintu sheegayso.

Xarunta Soufran waxay hoosta ka xarriiqday in xukuumadda Tunisia ay dib u eegid ku samaysay tirada dadka waddankaas u dhashay ee la rumaysan yahay inay ku biireen IS, waxayna sheegtay in ay yaraatay oo halkii ay ka ahayd 6,000 sannadkii 2015 ay iminka tahay 2,920.