Iska hor-imaad dhexmaray ciidamada NISA & Haramcad

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo goor dhow ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Iska hor imaadka oo muddo kooban socday ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamo ka kala tirsan talisyada Haramcad iyo Nabad Sugida ee ka howlgalka magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay is-rasaaseyntaasi, balse ma cadda inta uu la’eg yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan uu salka ku hayo muran iyo is qab-qabsi u dhexeeyo talisyada ciidamadaasi oo ka wada howlgala Dhuusamareeb.

Ku dhowaad 5 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen dagaalka, kuwaas oo isugu jira askartii dagaalantay iyo dad shacab ah.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobta lagu diriray gaaray saraakiil ka tirsan laamaha amniga iyo ma’suuliyiin ka socda dowlad goboleedka Galmudug.