Isla xisaabtanka amniga oo bilowday iyo kulan xasaasi ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan amni oo xasaasi ah.

Kulankaan oo looga hadlaayay dar-dargelinta amniga caasimadda Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitari.

Taliyeyaasha ayaa masuuliyiinta maamulka la wadaagay warbixinta xaalada guud ee amniga caasimadda, oo bilihii dambe laga dareemayay xasilooni amni, inkasta oo mararka qaar ay kooxda arbushaad ka sameyso.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay saraakiisha laamaha amniga in xooga la saaro dar-dargelinta amniga caasimadda.

Sidoo kale waxa uu ku booriyay saraakiisha amniga ee kulankaan qeybta ka ahaa in laga hortago fal kasta oo wax u dhimi kara amniga ay ku naaloonayaan shacabka gobolka Banaadir.

Dhawaan ayey aheyd markii ay dowladda sheegtay inuu bilaabanayo isla xisaabtanka amniga caasimadda, si kor loogu qaado xasiloonida amni ee ay bilihii dambe haysteen reer Muqdisho, si dhameystirana meesha looga saaro falalka argagixiso ee kooxda Al-Shabaab.