Jabuuti (Caasimada Online) – Maxkamad ku taala magaalada Dublin ee dalka Ireland ayaa loo gudbiyay qoraal uu saxiixay madaxweynaha Jabuuri Ismaciil Cumar Geele oo cadeyneysa in madaxweynaha Jabuuti uu dacwo kayahay shirkada Facebook.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay inuu Maxkamadda Sare ee dalka Ireland oo ku taalla magaalladda Dublin u gudbiyey qoraal ka dhan ah Shirkadda Facebook oo ka mid ah Isku-xirka Warbaahinadda ay Bulshadda ku xiriiraan.
Wargeyska Toddobaadlaha ee The Sunday times ee dalka Britain ayaa shaacisay inuu Madaxweynuhu qarka u saaran yahay inuu Dacwadaasi u gudbiyo Maxkamadda Sare ee Dublin, inkastoo aysan kala caddayn waxa uu Madaxweynuhu ku dacwoonayo.
Madaxweynaha Jabuuti waxa uu kireystay Kooxda Qareenadda ee Johnsons oo fadhigeeda ku yaallo magaalladda Belfast ee dalka Waqooyiga Ireland.
Paul Tweed oo xubin ka ah Qareenadda Johnsons waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo, wuxuuna ku gaabsaday inay noqon karto mid aan munaasab ku ahayn in sidaas la sameeyo.
Shirkada facebook ayaa ah mid si weyn caalamka looga yaqaano waxaana ku xiriira dadweyne badan oo dacalada dunida jooga, lamina hayo ilaa iyo hadda waxyaabaha keenay in dacwada uu gudbiyo madaxweynaha Jabuuti.
Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]