Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo sameystay CIIDAMO kumaandoos ah

Jigjiga (Caasimada Online) – Gobolka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in markii ugu horreysay uu dhistay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Kumaandooska.

Ciidamadan ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa illaa 250 askari, kuwaasoo dhowaan tababar loo soo xiray.

Sidoo kale ciidamadani ayaa qeyb ka noqonaya illaa 3000 oo askari oo ka mid ah ciidamo cusub oo ku biiraya kuwa loo yaqaano  Liyu Boolis ee ismaamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamada Kumaandooska ahi ayaa loogu talo galay inay ka jawaabaan xaaladaha deg dega ah iyo difaaca xuduudaha gobolka.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ee gobolka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxa ku soo beegay xilligan in ciidamo cusub uu dhisto gobolka Soomaalida Itoobiya.

Arrintan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay xasarado xoogan ay ka jireen gobolkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
caasimada@live.com