ISRAEL oo ciidamo dheeraada u diraysa Rafax xilli ay xaaladda kasii dareyso

Gaza (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca ee Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in Israa’iil ay ciidamo cusub oo dheeraad ah ay “gelin doonto gudaha Rafax”.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay ciidamada milaterige ee Israa’iil ay hawl-gallo kala duwan ka wadaan dhinaca koonfureed ee Qaza, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka.

Gallant ayaa sheegay in hawl-galka “uu sii socon doono, isla markaana in ciidamo dheeraad ahi ay geli doonaan” Rafax. Wasiirka ayaa sheegay inay burburiyeen tiro ka mida buundooyinka dhulka hoostiisa mara.

Gallant ayaa intaas raaciyey in Xamaas ay tahay urur, dib isu abaabuli kara, islamarkaana aan haysan ciidamo kayd ah iyo sahay kala duwan.

Wuxuu sheegay inaanay awood u lahayn inay daaweeyaan, xubnaha ka tirsan ururkooda ee ay bartilmaameedsadeen.

Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa si weyn uga soo horjeestay hawgalka Israa’iil ee Rafah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in illaa 600,000 oo qaxooti ahi ay ka qaxeen marinka Rafax, tan iyo markii ay hawlgallada Milateri ay halkaas ka bilawdeen.