Israel oo digniin culus ka soo saartay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Israel ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saartay xaaladaha amniga ee dalal dhowra oo dhaca qaarado kala duwan.

Israel ayaa sheegtay inay ka digeyso in muwaadiniinteeda ay socdaal ku gaaran wadamadaasi oo kaalmaha koowaad ay kaga jirto Somalia.

Digniintan oo kasoo baxday Xafiiska guud ee Guddiga Amniga Qaranka Israel ayaa waxaa muwaadiniinta looga digay inay u safraan wadamada Somalia,Iran,Iraq,Syria,Lubnan,Masar iyo India.

Dalalkani oo ay ku jirto Somalia ayey sheegtay inay ka dhacayan weeraro culus oo ay geysanayan Kooxaha argagixiso ee ku xiran Al-Qacida.

Sarkaal ka tirsan Guddigaasi ayaa sheegay in dalalka ugu daran oo sida gaarka ah loogu bartilmaamsan karo muwaadiniinta Israel ay ka mid yihiin Somalia iyo Masar kuwaasi oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin Kooxo xagjiriin ah, isla markaana xiriir dhow la leh Al-Qacida.

Sidoo kale, Sarkaalka ayaa sheegay in Xagjiriinta ay si gaara u daneeyan muwaadiniinta Israel oo laga midab takooro inta badan dalalka Islaamka.

Si kastaba ha ahaatee, baaqa Israel ayaa yimid xilli Yahuudu guda galeyso fasax ciideedyadooda sanadlaha ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com