“Waxa aanu garan la’nahay sababta DF ku khasbeysa inay naga daba shaqeyso”

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibada maamulka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay leeyihiin rajooyin ku aadan helida aqoonsi rasmi ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somliland ay xiriiro kala duwan la sameysay wadamada reer galbeedka si ay uga helaan aqoonsi.

Waxa uu tilmaamay inay heystaan ballanqaadyada dhowr dal oo miisaan ku dhex leh dalalka reer galbeedka kuwaasi oo qalinka ku duugay inay kala shaqeyn doonaan helida aqoonsi buuxa, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaa raaciyay in aqoonsi raadintooda xitaa ay gaarsiiyen dowlada Mareykanka, hase yeeshee ay qabaan rajo weyn oo muujin karta inay helayaan aqoonsi.

Wasiir Sacad Cali Shire, waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay dadaal ku bixineyso sida ay ku hor istaagi laheyd aqoonsiga Somaliland, hase yeeshee waxa uu taa bedelkeeda ku sheegay inay ka miro dhalin doonaan rajadooda.

“Dowlada Somalia waxa ay dadaal galineysaa sida ay meel waliba uga soo xiri laheyd Somaliland, balse anagu waxaanu nahay dal yaqaan dantiisa dhabar adeegna u yeelan doona raadinta aqoonsiga”

Dowlada Somalia ayuu sheegay inaysan awood u laheyn is hortaaga aqoonsiga Somaliland balse ay wado dadaalkii ay isku hortaagi laheyd.

Sidoo kale, Sacad Cali Shire, ayaa carab dhabay inuusan garankarin faa’iidooyinka dowlada Somalia ugu jirta is hortaaga aqoonsiga Somaliland iyo inay ka daba shaqeyso danahooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Anagu wan garan la’nahay sababta ay dowlada Somalia ugu mashquulsan tahay danaheena gaarka ah”

Haddalka Sacad Cali Shire, ayaa kusoo beegmaya xili uu maamulku dhawaan sheegay inay aqoonsan yihiin dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com