Sabriye iyo Yariisow oo isla wada qorshe cusub oo la xiriira maamulka gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in gudaha bishani isbedel lagu sameyn doono Gudoomiyayasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Isbedelka ayaa waxaa si wada jira iminka uga arinsanaaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Gudoomiyaha Gobolka Banadir Cabdiraxman Yariisow.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha Gudaha uu u gudbiyay liiska Gudoomiyayaasha iyo kuwa cusub ee imaan doona, iyadoo qorshaha uu yahay mid uu kasoo talo bixin doono Wasiir Sabriye.

Degmooyinka ugu horeeya ee isbedelka uu saameyn doono ayaa waxaa kamid ah Waabari, Kaaran, Dharkeenley,Wardhiigley, Xamar weyne iyo Howlwadaag, waxaana suuragal ah in ku-xigeeno hadda shaqeeya loo bedelo Gudoomiyayaal buuxa.

Gudoomiyayaasha ku bixi doona isku shandheynta ayaa waxaa qaarkood loo heystaa kiisas la xiriira musuq-maasuq dhanka ku tagrifalka canshuuraha ah.

Sidoo kale, isbedelka kusoo fool leh Gudoomiyayaasha ayaa dhici doona kadib jawaab celin laga sugaayo Wasiirka arrimaha Gudaha Sabriye oo isagu kaalin weyn ku leh isbedelada Gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Gudoomiyayaashan ayaa waxaa magacaabay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Taabit Cabdi, oo si kadis ah ku waayay xilkiisa.

Caasaimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com