Israel oo ka careysan waxa ay ku hayso Falastiin oo lagu sameeyey Yahuuda dalka…

Warsaw (Caasimada Online) – Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa ansixiyay sharci diidaya in Yaahuuda loo celiyo hantidii laga qaatay intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka iyo kadib.

Ansixinta sharcigaan ayaa dhalisay xiisad diblomaasiyadeed, iyadoo Israel ay dib ugu yeertay safiirkeedii Poland waxayna ku tilmaantay sharcigaan inuu yahay mid “Yuhuud naceyb ah”.

Sharcigaan ayaa la xiriiro doodii ka taagneyd in Yahuuda loo celiyo hantidii ay sheegatay in laga boobay waqtigii uu Nazi -ga Jarmalka qabsaday taliskii shuuciga ahaa ee Poland.

Sharcigaan ayaa sababi doona in la hakiyo dhammaan dacwooyinkii iyo sheegashooyinii Yahuuda laga soo bilabo waqtigi dagaalkii labaad ee adduunka.

Dowladda Poland ayaa sheegtay inuu isbadalkaan soo afjari doono fowdadii dhanka sharciga aheyd ee muddo badan soo jirtay, laakiin Israel ayaa si weyn u cambaareysay.

“Poland maanta waxay ansixisay sharci ka soo horjeeda Yuhuudda, mana ahan markii ugu horeysay oo ay Poland sameyso anshax xumo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israel Yair Lapid.

Mr Lapid ayaa sidoo kale sheegay inuu ku talinayo in safiirka Poland u fadhiya Israel Marek Magierowski inuusan kusoo laaban Israel oo uu iska sii wato fasaxa uu ku joogo Poland.

“Waa inuu u adeegsadaa waqtiga uga dhiman fasixiisa inuu ugu sharraxo Poles -ka waxa sharcigaan uu uga dhigan yahay muwaadiniinta Israel iyo inta aan u dulqaadan doonin yasidda xusuusta dhibbanayaashii iyo xusuusta xasuuqii loo geystay dadka Yahuuda ah,” ayuu Mr Lapid ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter –ka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Poland ayaa Maanta sheegtay in safiirkooda Mr Magierowski dib loogu yeeray ilaa amar dambe, taas oo looga jawaabayo falalka Israel ay ku dhaqaaqay dhawaanahan ee aan qiilka lahayn.

Goor sii horreysay Ra’isul wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa sheegay inuu diyaarin doono in carruurta safiirka dalkooda la keeno.

Bayaan uu soo saaray Ra’isulwasaare Mateusz wuxuu ku gacan seyray eedeymaha Israel ee ah in sharciga la ansixiyey uu ka dhigan yahay Yahuud naceyb, wuxuuna hadalada Israel ku tilmaamay inay yihiin kuwa sii kordhinayo naceybka loo qado Poland.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in Israel ay maalin kasta guryo ay leeyihiin ka barakiciso shacabka Falastiin, kadibna ku wareejiso Yahuudda loo sameynayo deegaameynta, balse hadda ka qeylineyso guryaha dib u sheegashadooda loo diiday Yahuudda Poland.