Madaxweyne FARMAAJO oo laba guul oo siyaasadeed oo lama filaan ah helay

Warbixintan oo muqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu xulufo la ahaa madaxweyne goboleedyada HirShabeelle, Galmuudug iyo Koonfur Galbeed, hase yeeshee waxaa hamigiisa ku shubasho ee doorashada Soomaaliya ka hor-yimid mucaarad awood badan.

Mucaaradkaas ayaa ahaa isbaheysi ay ku mideysan yihiin Midowga Musharaxiinta, madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo gadaal kaga biiray.

Isbaheysigaas ayaa hadda burburay kadib markii Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ay diideen sida madax goboleedyada iyo Rooble ay u wadaan hanaanka doorashada oo ay la meel dhigeen sidii ay ka diideen madaxweyne Farmaajo.

“Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagnaa isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa laba hab uga faa’iideysanaya xiisaddan cusub.

1- Isbaheysiga burburay: Buburka Isbaheysiga Badbaado Qaran ayaa soo billowday markii xubnaha ay dayaceen guddoomiye Cabdi Xaashi oo xubin ka ahaa, kaasi oo hoggaanka guddiga doorashada gobollada waqooyi uu kala wareegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, oo ku xiran Farmaajo.

Sida loola dhaqmay Cabdi Xaashi waxay aheyd wax aan laga fileyn isbaheysiga, balse Farmaajo tustay inuu isbaheysiga ka dabacsan yahay sidii la mooday, waxa isku hayana aysan aheyn mabaadi’ balse yihiin dano siyaasadeed.

Xargihii haray ee isku hayey isbaheysiga ayaa sii furmay kadib markii doorashada Aqalka Sare ay billaabatay, xilligaas oo Axmed Madoobe, Saciid Deni, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ay doorashaii u beddeleen magacaabis, taasi oo Musharaxiinta ka carreysiisay, inkasta oo rasmi ahaan ay usoo dhoweeyeen.

Musharaxiinta ayaa garowsaday in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni aanu dagaalkii lala galay Farmaajo ka aheyn mid ay musharaxiinta ugu daneynayeen balse ay dantooda gaarka ah ku hoos wateen.

Isbaheysiga ayaa ugu dambeyn rasmi u burburay kadib markii Axaddii ay Golaha Wadatashiga Qaran ay soo saareen habraac doorasho oo mucaaradka ay ku qeexeen mid dusha sare magac doorasho ka sita, laakiin gudahiisa uu magacaabis yahay.

Burburka Isbaheysiga wuxuu madaxweyne Farmaajo uga dhiggan yahay in hadda iyo kadib aanu wajihi doonin loolan adag oo ka horyimaada inta lagu guda jiray doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, oo habraaca loo marayo sidoo kale uu u daneynayo Farmaajo, taasi oo ina keeneysa qodobka labaad.

2- Habraaca doorashada: Habraaca doorashada wuxuu awood badan u siiyey madaxda maamul goboleedyada soo-xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada, oo ah qodobka ugu weyn ee la isku hayo ee mucaaradka ay diidan yihiin.

Hase yeeshee markaad si kale u eegto madaxweyne Farmaaho wax dhibaato ah kuma qabo habraacan, waxaana suurta-gal ah inuuba si gaar ah isaga ugu faa’iideynayo markaad eegto dhowr qodob.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu markii horeba isku haleynayey in madaxweyne goboleedyada taabacsan ay usoo saaraan xildhibaano codka siiya, ayaga oo kaashaanaya odayaasha, madaxtooyadana ay ku biirineyso saameyn iyo lacag wax lagu kala dabaro.

Habraaca laga soo saaray shirkrii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxa uu awood siiyey madaxweyne goboleedyada, waxaana tani ay Guudlaawe, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen u sahleysaa inay doorashada sida ay doonaan u musuqaan, kana soo saaraan xildhibaano taabacsan Farmaajo, haddiiba ay doonayaan.

Sidoo kale, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa habraacan u adeegsan kara inay doorashada xildhibaanada ku takri falaan, balse Farmaajo markii horeba istaraatiijiyaddiisa doorasho iskuma haleeneyn labadaas maamul, sidaas darteedna kalama jecla ciddii halkaas kasoo baxda.

Guul-darrada ugu weyn waxay soo gaartay Midowga Musharaxiinta, oo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni aanay usoo saari doonin xildhibaano, halka habraaca doorashaduna albaabo badan uu u furay madaxweyne Farmaajo.