Israel oo markale hanjabaad culus u jeedisay IRAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa jeediyay hadal kulul oo ku wajahan Iran, isaga oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday markab shidaal oo ay leedahay shirkad Israeli ah meel u dhow xeebaha Cumaan, usbuucii hore.

“Waxaa dhammaaday waqtigii si raaxo leh la isaga fadhin jiray Tehran iyada dab laga hurinayo bariga dhexe,” ayuu yiri Mr Bennett.

Hadalkan ayaa jeediyay xilli uu Bennett booqday Talaadadii saldhig militari oo ku yaalla Waqooyiga, isga oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee IDF, Aviv Kohavi.

Bennett ayaa yiri: “Waxaan abaabuli doonaa caalamka, laakiin isla waqtigaas waxaan sidoo kale naqaannaa sida aan kaligeen wax uga qaban karno oo ay Iran ogaato cawaaqibka ka dhalan kara marka ay amnigeena halis galiso,” ayuu intaa ku daray Bennett.

“Isla markii weerarka Iiraan ay ku qaaday markabka, waxaan la wadaagnay macluumaadka ay heleen sirdoonkeenna saaxiibbadeenna Mareykanka, Ingiriiska iyo dalal kale,” ayuu Bennett hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaaraha Israel ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay in “wakiil ka socda Midowga Yurub uu ka qeybgalayo xafladda dhaarinta Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi (Khamiista).

Wuxuu uu canaan u jeediyay Midowga Yurub, isagoo yiri: “Suuragal ma ahan in laga hadlo xuquuqda aadanaha, iyadoo la sharfayo gacan ku dhiiglaha dalkiisa ka saaray boqolaal qof oo ka soo horjeeday nidaamka Iiraan”.

Dowladda Iran ayaa Isniintii, sheegtay inay si deg deg ah uga jawaabi doonto wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda.

Af -hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran Saciid Khatibzadeh ayaa sheegay in Israa’iil “ay tahay inay joojiso eedeymaha aan sal iyo raad toona lahayn” wuxuuna ugu baaqay Mareykanka iyo Britain inay keenaan caddeyn lagu taageerayo eedeymahooda.

Khatibzadeh wuxuu sheegay in Iiraan “aysan ka labalabeyn doonin inay ilaaliso amnigeeda iyo danaha qarankeeda, isla markaana ay si degdeg ah uga jawaabi doonto wax kasta oo suuragal ah”.

Iiraan iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu weerarro ku qaaday maraakiibta labada dhinac

Britain ayaa u yeertay safiirka Iran waxayna ka codsatay maraakiibta inay si xor ah u dhex maraan gobolka saliidda hodanka ku ah.

Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa sare u kacday tan iyo 2018 -kii, markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Tehran ay la gashay lix quwadood oo adduunka ah isla markaana uu dib u soo celiyay cunaqabateyntii dhaqaale ee curyaamisay dhaqaalaha Iiraan.

Isha: BBC