ISRAEL oo saddex dal oo Carab ah kala shaqeyneysa qorshe ka dhan ah Turkey

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa kala shaqeyneysa saddex dal oo Carbeed oo kala ah Masar, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya in la wiiqo Turkiga, oo madaxa sirdoonka Israel ee Mossad Yossi Cohen uu rumeysan yahay inay yihiin “halista ugu weyn” ee Israel.

Roger Boyes ayaa ku qoray wargeyska The Sunday Times in Cohen uu halista Turkiga kala hadlay saraakiil sirdoon oo ka kala socda Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, muddo imnka laga joogo laba sano.

“Awoodda Iran waa mid jilicsan, halista ugu weyn waxay ka imaneysa Turkiga,” ayuu Cohen u sheegay saraakiisha sirdoonka Carbeed ee uu la kulmay.

Sida uu sheegay Boyes, ujeedka hadalka Cohen ayaa ah “in halista Iran aysan weli meesha ka bixin, balse la xadidi karo ayada oo la adeegsanayo cunaqabateeno iyo sirdoon la wadaago.”

Si kastaba, “Diblomaasiyadda Turkiga, iyo siyaasadeeda xisaabta ku dhisan ee ay ku wajahaan Bariga Dhexe ayaa halis ku ah Carabta iyo Dalalka Meditareeniyaanka,” sida uu qabo Cohen.

Turkiga ayaa sidoo kale ah awood ka tirsan isbaheysiga NATO, oo ciidan ahaan aad uga awood badan Carabta, ayna adag tahay in Mareykanka iyo Yurubta ay saaraan xayiraado la mid ah kuwa Iran.