ITOOBIYA oo ‘arrin dhabar jab ku noqonaysa madaxda Tigrayga’ faray ciidankooda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa ciidamada daacada u ah madaxda Tigreyga ugu baaqday inay isa soo dhiiban, xili ay ciidamada federaalku ay qabsadeen deegaano hor leh oo gobolka Tigrayga.

Howl-galka ciidamada federaalka Itoobiya ee gobolka Tigrayga ayaa ku socda dar-dar xoogan, iyada oo uu maanta ra’iisul wasaare Abiy Ahmed shaaciyey in ciidamada dowladda ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray, waana mida la aaminsan yahay inay keentay baaqan cusub.

Ciidamada federaalka ayey dowladdu sheegtay inay ka adkaadeen ciidamada Tigrayga, kuwaasi oo daacad u ah mas’uuliyiin uu baarlamaanka Itoobiya ka qaaday xasaanada oo xiligan gacanta ku haya talada maamulkaasi.

Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya, Kenea Yadeta ayaa isaguna sheegay in muddo aysan qaadan doonin in caddaallada la hor keeno madaxda TPLF, oo uu hogaanka u sareeya ee Itoobiya uu ku eedeyay xasuuq arxan daro ah.

Mudanayaasha Aqalka golaha wakiilada ee dalka Itoobiya oo maanta kulan xasaasi ah ka yeeshay xaaladda gobolka Tigrayga ayaa iyagu xaasanadda ka qaaday saraakiil sar-sare oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca waqooyiga wadanka Itoobiya.

Illaa 39 saraakiil oo ka tirsan maamulka Tigray ayaa xasaanadda lagala noqoday, kaddib codsi ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi.

Waxa saraakiishaasi ugu horreeyo madaxweynaha gobolka Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF.

Si kastaba, Baaqa cusub ee dowladda federaalka Itoobiya ee ku aadan isasoo dhiibsita ciidanka Tigrayga ayaa dhabar jab weyn u horseedi doona madaxda maylka adag ee gobolkaasi, haddii ay aqbalaan ciidamada deegaankaasi oo xiligan wajahay dagaal culus oo uga imanaya ciidamada federaalka iyo go’doominta dowladda dhexe.