Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ciidamadii ugu badnaa u tababareysa maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, oo ay haatan Itoobiyaanku u joogaan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika.
Ciidamadan oo lagu tababarayo xerada tababarka ciidanka Itoobiya ayaa waxaa maanta kormeer ku tegay madaxweynaha maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Mudane Lafta-gareen ayaa bogaadiyey saraakiisha Itoobiya ee bixinaya tababar heerkiisu sareeyo ee la siinayo ciidamada booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo tababarkooda uu haatan ka socdo xerada tababarka ee ciidanka Itoobiya.
Shalay ayey ahayd markii ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay magaalada Baydhabo ka sameeyeen dhoolatus ciidan oo ballaaran.
Dhoolatuska oo ahaa mid lagu xusayay “Guusha Adwa,” iska caabintii gumeysiga iyo guushii midnimada Afrika, ayaa Itoobiyaanku kusoo bandhigeen cududdooda ciidan ee gudaha Soomaaliya.
Si kastaba, magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed, ayaa hadda si weyn ugu tiirsan kaalmada milateri ee Itoobiya, waxaana ciidanka Itoobiya ay joogaan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, garoonka diyaaradaha, iyo goobo kale oo muhiim ah.