Qorshe Al-Shabaab isugu furaneysay deegaano muhiim ah oo la fashiliyey

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa ku guuleystay fashilinta qorshe ay kooxda Al-Shabaab maalmihii dambe ku dooneysay inay isugu furato deegaano muhiim ah oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Ciidanku waxay maanta guul ka gaareen isku-daygii ugu dambeeyay ee kooxdaasi ku dooneysay inay isugu furato deegaanada dhaca koofur, bari iyo galbeedka jiinka wabiga.

Sidoo kale, ciidamada iskaashanaya ayaa maanta si buuxda dib ugula wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Dagaalkaan ayaa lasoo warinayaa inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hase yeeshee lama xaqiijin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Ciidamada iskaashanaya ayaa duhurnimadii maanta gudaha u galay Ceelbaraf, kadib dagaal muddo kooban socday oo ka dhacay duleedka magaaladaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo saraakiil kale ayaa qayb ka ah dardargelinta howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa maalmihii dambe kordhisay weerarada ay ka geysaneyso gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay haatan ka socdaan howl-gallo culus oo kooxda lagaga sifeynayo deegaanada ay weli kaga sugan tahay maamulka Hirshabeelle.