Taxane ku saabsan Mucaawiya Ibnu Abi Sufyan oo xiisad ka dhex abuuray dalalka Carabta

Qaahira (Caasimada Online) – Taxane telefishin oo ku saabsan nolosha mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii hore ee Islaamka, oo lagu tilmaamay inuu yahay taxanihii ugu qaalisanaa ee abid laga sameeyo dunida Carabta, ayaa ka dhex abuuray muran xooggan dalal ay ka mid yihiin Ciraaq, Masar iyo kuwa kale oo Carbeed.

Labadii qaybood ee ugu horreeyay ee taxnaha Mucaawiya, oo ah taxane 30-qaybood ah oo la sii daynayo bisha Ramadan, ayaa hawada galay toddobaadkan.

Taxanaha, oo ay maalgelisay shirkadda warbaahinta MBC, oo ay leedahay dowladda Sacuudiga, ayaa la sheegay inuu ku kacay lacag u dhexeysa $75 milyan ilaa $100 milyan, waxaana lagu duubay dalka Tunisia.

Filimkan waxaa qoray suxufiga reer Masar Khaled Salah, halka uu agaasimay filim-sameeyaha Tarek al-Arian, oo asal ahaan reer Falastiin ah balse haysta dhalashada Mareykanka.

Xayiraadda iyo muranka taxanaha

Doodda ka dhalatay taxanaha ayaa sababtay in Ciraaq si rasmi ah u mamnuucdo baahinta taxanaha, iyadoo laga cabsi qabo inuu kiciyo xiisado mad-habeed.

“Baahinta waxyaabaha taariikhiyan muranka dhaliyay waxay dhalin karaan dood mad-habeed, taasoo halis gelin karta wadajirka bulshada, gaar ahaan xilliga bisha Ramadan,” sida ay sheegeen Guddiga Warbaahinta iyo Isgaarsiinta ee Ciraaq Sabtidii la soo dhaafay.

Guddigu wuxuu amar ku bixiyay in MBC Ciraaq aysan baahin karin taxanaha, inkasta oo wali laga daawan karo madalkeeda dijitaalka ah ee Shahid.

Muranka taxanaha Mucaawiya wuxuu soo jiray muddo dheer, iyadoo labo sano ka hor, hoggaamiyaha Shiicada Ciraaq Muqtada al-Sadr uu si cad u dalbaday in la joojiyo mashruucan.

Sadr wuxuu Mucaawiya ku tilmaamay “aabihii kala-qaybsanaanta mad-habta Islaamka, qofkii ugu horreeyay ee diiday hoggaamiyaha Muslimiinta xilligii uu noolaa, una tafaxaytay burburinta midnimada Islaamka.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in baahinta taxanaha ay ka hor imanayso siyaasadihii dhex-dhexaadnimada ee Sacuudiga qaatay, isaga oo ugu baaqay Riyadh in aysan dhaawicin dareenka Muslimiinta.

Dhanka kale, telefishinka Al-Sha’aer ee Ciraaq ayaa ku hanjabay in jawaab celin ahaan ay iyaguna sameyn doonaan taxane ku saabsan Abu Lu’lu’a Firuz, oo ahaa ninkii ajnabi ee dilay Cumar bin Khattab, khaliifkii labaad ee Islaamka.

Sadr, si uu u yareeyo xiisadda, wuxuu cambaareeyay labadaba taxanaha Mucaawiya iyo taxanaha la qorsheeyay ee Abu Lu’lu’a Firuz, isaga oo yiri: “Labada taxane midna sax ma aha, waana kuwo hurinaya colaad mad-habeed. Mucaawiya ma matalo Sunniga, sida Abu Lu’lu’a uusan u matali karin Shiicada.”

Waa kuma Mucaawiya ibn Abi Sufyan?

Mucaawiya ibn Abi Sufyan waa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu muranka badan taariikhda Islaamka, gaar ahaan marka laga eego Shiicada.

Wuxuu ku dhashay xilligii Nabi Muhammad NNKH, balse markii hore wuu ka soo horjeestay fariintiisa. Waalidkiis, Abu Sufyan iyo Hind bint Utba, waxay ahaayeen mucaaradkii ugu weynaa ee Islaamka.

Sanadkii 630, markii Muslimiintu qabsadeen Maka, Mucaawiya iyo qoyskiisa waxay ku biireen Islaamka.

Wuxuu noqday mid ka mid ah qorayaashii Qur’aanka ee Nabiga, wuxuuna kaalin ka qaatay fidinta Islaamka ee Shaam (Syria) kadib dhimashadii Nabiga. Khaliifkii saddexaad, Cuthmaan bin Caffaan, oo ay isku qabiil ahaayeen, wuxuu u magacaabay inuu noqdo waliiga Dimishiq.

Kadib markii Cuthmaan la dilay, Mucaawiya wuxuu si adag uga hor yimid Cali bin Abi Daalib, oo loo doortay khaliifka afaraad ee Muslimiinta. Khilaafkooda wuxuu sababay Fitnadii Koowaad, taasoo gaartay heer dagaal culus oo ka dhacay Siffiin sanadkii 657.

Kadib dilkii Cali sanadkii 661, Mucaawiya wuxuu la wareegay Masar, wuxuuna isu magacaabay khaliif, isagoo xarun ka dhigtay Dimishiq.

Wiilkii Cali, Xasan bin Cali, oo si kooban loogu doortay khaliif kadib dhimashadii aabihiis, waxaa la sheegay in Mucaawiya uu ku qasbay inuu xilka ka dego. Sannado kadib, Xasan wuxuu u geeriyooday sun la siiyay, waxaana la rumeysan yahay in Mucaawiya uu amray dilkiisa si uu meesha uga saaro wax kasta oo halis ku ah xukunkiisa.

Intii uu xukunka hayay, Muslimiintu waxay gaareen guulo militari oo ballaaran, iyagoo qabsaday dhulal ka tirsan Afrika, Anatolia, Bartamaha Aasiya iyo Iran.

Si ka duwan khulafadii hore, Mucaawiya wuxuu sameeyay tallaabo muran dhalisay – wuxuuna wiilkiisa Yaziid bin Mucaawiya u magacaabay dhaxal-sugaha xukunka, taasoo keentay in khilaafadu isu beddesho boqortooyo.

Dhaxalka Mucaawiya wuxuu sababay khilaafkii labaad ee Islaamka (Fitnadii Labaad), taasoo ugu dambeyn horseedday dilkii Xuseen bin Cali ee Karbala, dhacdo aad muhiim ugu ah taariikhda Shiicada.

Dad badan waxay u arkaan Mucaawiya inuu ahaa hoggaamiye caqli badan oo xoojiyay dawladnimada Islaamka, halka kuwa kale ay u arkaan inuu ahaa nin awood-doon ah oo u dhaqmay sidii boqor, halkii uu ka ahaan lahaa khaliif.

Khilaafka muuqaalka shaqsiyaadka Islaamka

Muranka kale ee taxanaha wuxuu la xiriiraa sida ay u matalayaan qaar ka mid ah shaqsiyaadkii ugu muhiimsanaa taariikhda Islaamka.

Professor Reda Abdel Wajid, oo ka tirsan jaamacadda Al-Azhar ee Masar, wuxuu sheegay in jaamacaddu aysan lahayn awood sharci ah oo ay ku mamnuuci karto filimka, balse ay diidan yihiin in la matalo asxaabta Nabiga NNKH.

Hay’adda Dar al-Ifta ee Masar waxay sheegtay in matalaadda shaqsiyaadka taariikhiga ah ay bannaan tahay, haddii si karaamo leh loo soo bandhigo, balse 10-kii qof ee Nabigu Jannada ugu bishaareeyay lama matali karo.

Muranka taariikhiga ah ee Mucaawiya ayaa weli taagan, taxanahanina wuxuu sii huriyay dooddii hore, taasoo muujineysa in xusuustiisa weli ay tahay mid xiisad abuureysa.