26 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

Itoobiya oo dhaawacday heshiiskii ay dhawaan la gashay madaxweyne Farmaajo

Bookmark
Bookmarked

Share

Adis Ababa (Caasimada Online) –  Ra’isulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo madaxeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan kulan xasaasi ah ku wada qaatay Magalaad Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Labada Mas’uul ayaa markii ay wada hadleyn kadib ka dhawaajiyey inay wada saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo ka turjumayo in dib loo soo nooleeyo xiriirka labada dowladood.

Qodobka ugu muhiimsanaa heshiiska labada Mas’uul ayaa ahaa inaysan dowladda Itoobiya faragelin ku sameyn qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya .

Ra’isulwasaaraha Itoobiya si rasmi ah ugu dhawaaqay inaysan Itoobiya mar dambe faragelin kusoo sameyn doonin midnimada, qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

Haddaba waxaa muuqato inay dowladda Itoobiya dhaawacday heshiiskii ay la gashay dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama ay Somaliland u aqoonsatay dal madax banaan, iyadoo aysan jirin weli madax banaani ay qaadatay oo la aqoonsan yahay.

Gen. Berha Tesfaye oo ah qunsulka guud ee u fadhiyo Itoobiya Magaalada Hargeysa ayaa soo saaray waraaq uu hambalyo ugu dirayp shacabka iyo  Maamulka Somaliland, wuxuuna ugu hambalyeeyey  maalinta ay u asteeyeen Qaranimada ee 18-ka May, sida uu isaga hadalka u dhigay/

“Waxaa jecelahay inaan si diiran ugu hambalyeeyo shacabka iyo dowladda Somaliland, maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May”ayaa lagu yiri warqada uu Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Itoobiya oo ah Generaal Ciidan.

Itoobiya siisay  dhisme ay degto xafiiska howl galka diblomaasiyadda Somaliland ee Addis Ababa, waxaana xafiiskan uu u howl galayaa qaab safaarad oo kale, waxaana arrintan lala xiriiriyay inay jawaab u tahay saamiga Itoobiya laga siiyay Dekeda Berbera ee ah 19%.

Waxayna labadaas tallaabo muujineysaa inaysan Itoobiya diyaar u aheyn inay faragelinta ka dhaafto Soomaaliya, maadaama Somaliland sida sharciga ah ay kamid tahay dalka Soomaaliya.

Arrintaan ayaa waxaa laga yaabaa inay dhawaacdo xiriirka labada dowladood oo dhawaan heshiisyo wada saxiixday, ilaa haddana kama aysan hadlin dowladda Soomaaliya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News