27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Itoobiya oo jawaab culus ka soo saartay hanjabaadii Siisi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) –Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee Ethiopia ayaa ku eedaysay Masar inay sii kordhinayso “hadallo colaadeed” oo ku saabsan Webiga Niil iyo Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Ethiopia (GERD), iyadoo ka digtay in “aragtida gumeysiga” ee Qaahira ay halis ku tahay iskaashiga gobolka ee u dhexeeya dalalka Dooxada Niilka.

War-saxaafadeedkan oo soo baxay Talaadadii, ayaa daba socday hadal uu Axaddii jeediyay Madaxweynaha Masar, Abdel-Fattah El-Sisi, kaasoo ka digay in Masar “aysan gacmaha ka laaban doonin” marka ay wajahayso “hab-dhaqanka aan mas’uuliyadda lahayn” ee Ethiopia, isagoo ballan-qaaday inuu qaadi doono “tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah” si loo ilaaliyo danaha biyaha ee Masar.

Iyadoo taas ka jawaabaysa, wasaaraddu waxay sheegtay in Ethiopia “aan lagu qasbi karin ama looga cabsiin karin inay ka tanaasusho xaqa ay u leedahay ka faa’iidaysiga Niilka,” waxayna ku tilmaantay mowqifka Masar mid ah “siyaasad fashilantay oo lagu wiiqayo Ethiopia halkii laga dhiirigelin lahaa iskaashi.”

Waxay ku eedaysay Qaahira inay si isdaba-joog ah u hor istaagtay “iskaashiga xuduudaha ka gudba ee ku dhisan sharciga caalamiga ah,” iyadoo tusaale u soo qaadatay dhaqanka “niyad-darrada ah” ee Masar intii lagu guda jiray wada-hadalladii saddex-geesoodka ahaa ee GERD iyo diidmadeeda Heshiiska Iskaashiga Qaab-dhismeedka (CFA), “oo ah heshiiska keliya ee guud ahaan Dooxada Webiga Niil.”

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay eedayn ah in Masar ay faafinayso “sheekooyin iska hor imanaya,” iyadoo “ka gudbaysa sheegashooyin been abuur ah oo abaar ku saabsan una gudbaysa digniino fatahaad,” ayna “Sudan ku jiidayso xiisad ay iyadu iskeed u abuurtay.”

Ethiopia, sida ay wasaaraddu sheegtay, waxay ilaalisaa “heerarka xirfadeed ee ugu sarreeya” ee maamulka biyo-xireenka waxaana weli ka go’an wadahadal, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in “sugnaanta biyuhu ay ka dhigan tahay oo keliya in si caddaalad iyo macquulnimo ku jirto ay uga wada faa’iidaystaan Webiga Niilka dhammaan dalalka uu maro.”

War-saxaafadeedkan ayaa qayb ka ah eedaymo is-dhaafsi ah oo u dhexeeya hay’adaha Ethiopia iyo Masar oo ku saabsan maamulka iyo ka faa’iidaysiga Webiga Niil.

Horaantii bishan, Masar waxay ku eedaysay Ethiopia inay u dhaqantay “si taxaddar-la’aan iyo mas’uuliyad-darro ah” xagga maareynta fatahaadda Niilka iyadoo qaadaysa hawlgallo keligeed ah oo biyo-xireenka ku saabsan, waxayna sheegtay in tallaabooyinkaasi ay sii xumeeyeen fatahaadaha Sudan, ayna khatar toos ah ku yihiin dhulka iyo nolosha dadka Masar.

Ethiopia ayaa iska fogaysay eedaymaha ay soo jeedisay Wasaaradda Kheyraadka Biyaha iyo Waraabka ee Masar ee ku saabsan GERD, iyadoo ku tilmaantay “been abuur” iyo “macluumaad la qalloociyay.”

War-saxaafadeed soo baxay 3-dii Oktoobar 2025, ayay wasaaradda Masar ku sheegtay in maamulka biyo-xireenka ee Ethiopia uu “ka maran yahay mabaadi’da aasaasiga ah ee mas’uuliyadda iyo daah-furnaanta.”

Iyadoo ka jawaabaysa, ayay Wasaaradda Biyaha iyo Waraabka ee Ethiopia, war-saxaafadeed ay soo saartay maanta oo ah 4-ta Oktoobar 2025, waxay ku sheegtay in “roobab culus oo da’ay bilihii la soo dhaafay ay sababi lahaayeen burbur taariikhi ah oo ka dhaca Sudan iyo Masar haddii uusan jiri lahayn GERD.”

Wasaaradda Biyaha iyo Waraabka ee Ethiopia waxay ku doodday in socodka biyaha ee la nidaamiyay ee ka imaanaya biyo-xireenka uu yareeyay heerka ugu sarreeya ee fatahaadaha, uuna sidoo kale hoos u dhigay khasaaraha ka dhasha ee gaara meelaha webigu u sii qulqulo.

Isagoo soo xiganaya xog laga diiwaan geliyay Sudan, war-saxaafadeedku wuxuu xusay in ka hor dhismaha GERD, fatahaadaha ugu sarreeya ee bilaha Agoosto iyo Sebteembar ay inta badan dhaafi jireen 800 oo milyan oo mitir kuyuubik maalintii.

Taas beddelkeeda, celceliska biyaha maalinlaha ah ee laga sii daayay GERD isla bilahaas ee sannadkan waxay ahaayeen 154.7 milyan oo mitir kuyuubik iyo 472 milyan oo mitir kuyuubik, siday u kala horreeyaan. Ethiopia waxay ku adkaysanaysaa in GERD uu si weyn u yareeyey khatarta fatahaadaha.

- Advertisement -

Read more

Local News