Itoobiya oo ka walaacsan ‘kulan ay agaasintay Kenya’ oo Nairobi ku dhex maray Axmed Madoobe iyo Madey

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujisay kulan ay abaabushay Kenya oo Nairobi ku dhex maray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo hoggaamiyaha ONLF Cabdiraxmaan Mahdi Madey, waxaa sidaas qoray wargeyska Addis Standard.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah u agaasimay, fududeeyey, islamarkaana lacag ku bixiyey Machadka Rift Valley ee Kenya.

Xiisadda Jubaland iyo Itoobiya ayaa sare usii kaceysay wixii ka dambeeyey bishii August, ka hor doorashadii Axmed Madoobe, markaasi oo mas’uulinta Jubaland ay diideen inay garoonka Kismaayo ka degto diyaarad ay saarnaayeen agab iyo ciidamo Itoobiyan ah.

Jubaland ayaa sidoo kale toddobaad ka hor cabasho ka muujisay faro-gelin xoogan oo ciidamada Itoobiya ay ka wadaan gobolka Gedo, ayaga oo taageeraya madaxweyne Farmaajo.

Hoggaamiyaha ONLF, Cabdiraxmaan Mahdi Madey ayaa bishii August, ka hor inta aan xilkan loo dooran waxa uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uga digay faro-gelinta Jubaland.

“Kismaayo waxay ku taalla goob muhiim ah. Hadii halkaas isbeddel uu ka dhacana waxay saameyn doontaa waddanka oo dhan. Waxaan aaminsanahay in Axmed Madoobe uu shaqo wanaagsan qabtay. Mana hubo in haddii dad kale ay meesha yimaadaan uu amniga sidan sii ahaan doono. Waxaan ka baqayaa haddii aynan ka fiirsan faro-gelinta halkaas, inay saameyn doonto gobolka oo dhan, sababtoo ah waxaa jira ciidan cadow ku ah Itoobiya, oo Axmed Madoobe uu hadda la dagaalayo.”

Lama yaqaan ujeedka iyo waxa looga hadlaya kulanka kulanka Nairobi ee Axmed Madoobe iyo Cabdiraxmaan Mahdi, sida uu qoray Addis Standard.

Dhinaca kale, sarkala sare oo ku dhow madaxweyne Axmed Madoobe ayaa beeniyey inuu wax kulan ah ka dhaay Nairobi.

“Joogitaanka hogaamiyayaasha Jubaland iyo ONLF ee Nairobi waa mid isku aaday oo kaliya. Ma jiro wax kulan ah oo dhacay, haddii ay kulmaanna waxay noqon doontaa kaliya inay isa salaamaan.” Ayuu yiri.