Cunaqabateynta saaran Kismaayo oo ay ku shaqo waayeen laba boqol oo qof

Kismaayo (Caasimada Online) – Cunaqabateynta saaran magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose muddo ka badan 3 bil ayaa sababtay in dhalinyaro badan ay kuwaayaan shaqadooda kadib markii shirkadihii ganacsiga iyo xarumaha kalaba ay bixin waayeen mushaarka shaqaalaha.

Ugu yaraan 200 oo qof oo ah dhalinyaro ka kooban dumar iyo rag ayaa shaqada laga fasaxay intii u dhaxeysay 23-kii August ilaa 23-ka bishaan kadib markii shirkadaha ay sheegeen in aysan awoodin bixinta mushaarka.

Dadka shaqada laga eryay ayaa 20 qof oo kamid ah waxay ka tirsanaayeen hal Shirkad halka inta kalane ay u badanyihiin shaqaale ka tirsan Shirkadaha Duulimaadka, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii aan la hadalnay.

“Shirkadda Maandeeq Airline oo kaliya ayaa fasaxday 20 qof oo midka ugu yar qaadan jiray 200 dollar waxaana midkiiba ku hoos noolaa 5-7 qof” ayuu yiri Shaafi Raabi Kaahin oo ah guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo baaritaan ku sameeyay khasaaraha ka dhashay cunaqabateynta saaran magaalada.

“Haddii shaqada laga eryay 200 oo qof midkiina biili jiray qoys ka kooban ugu yaraan 5 qof waxay halis soo wajahday ugu yaraan kun qof” ayuu yiri Shaafi Raabi Kaahin oo warbaahinta Muqdisho la hadlay.

Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa kale Travel agency-ga ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ku adkaatay bixinta mushaarka shaqaalaha maadaama ay istaagtay shaqadii Kismaayo ee duulimaadka.

Madaxda Shirkadaha ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay u garaawdo dadka dhibaataysan islamarkaana wadahadal lagu xaliyo dhibaatooyinka taagan.

Rugta Ganacsiga Jubbland ayaa 2-da Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya u gudbisay cabasho ka dhan Xukuumadda Soomaaliya, taas oo ku saabsan cunaqateynta saaran magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Cunaqabteynta saaran Kismaayo ayaa kusoo koobantay kaliya shacabka, ayada oo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu siduu doono uga duulo Kismaayo, isaga oo toddobaadkan tagay Nairobi, ayada oo aysan jirin wax ay ka qaban karto dowladda.