Wasiir SABRIYE: Looma hakan doono Ahlu-Sunna

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta dib ugu laabtay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, gaar ahaan dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay.

Sabriye oo xubno ka tirsan dowladda iyo saraakiil ay ku soo dhoweysay halkaasi ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda gali doono doorashada maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan u hakan doonin Ahlu Sunna oo hoggaankeedu ay si weyn uga soo horjeedaan dhaq dhaqaaqyada dowladda ee dhismaha Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in waqti badan uu kaga baxay Dhuusamareeb, islamarkaana loo baahan yahay in laga gudbo caqabadaha haatan ka jira magaaladaasi.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, iyadoona hoggaanka Ahlu Sunna ay dhaq dhaqaqyo siyaasadeed iyo abaabul ka dhan ah dowladda ay ka wadaan halkaasi.

Doorashada Galmudug oo isugu jirta mida madaxweynaha iyo baarlamaanka ayaa lagu wadaa in la qabto bishada December ee soo socoto, sida lagu sheegay jadwalka doorashada ee uu shaaciyey guddiga ay dowladdu u saartay dhismaha Galmudug.