Mareykanka oo hal qoodb ka dalbaday DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Twitterka ee howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay kulan dhex maray Ra’iisul wasaaraha xukummadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, Danjire Donald Yamamoto, iyo kooxda Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay xaaladaha kala duwan ee hadda ka jira dalka, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale waxaa shirkaan oo ahaa mid gaar ah diirada lagu saaray sidii horamar looga sameyn lahaa nabadda, xasiloonida,iskaashi u dhaxeeya dowladda dederaalka ah,  dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ee taageerta Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale madaxda dowladda dhexe ka dalbatay inay heshiis rasmi ah la galaan dowlad goboleedyada, si xal looga gaaro khilaafka jira.

Mareykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarka Soomaaliya, qorshaha kala guurka iyo doorashada 2020-ka.

Warkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan xiisad xoogan ay u dhexeyso dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Khilaafkan oo cuuryaamiyey wada shaqeynta labada dhinac ayaa waxaa haatan laga digayaa inuu sii socdo, si aysan markale dib u dhac ugu imaan horumarka ay hiigsaneyso Soomaaliya.