Duulaanka Itoobiya ay ku soo qaaday gobolka Gedo oo cadayn u ah hal arrin

Jubbaland waa cabatay!…OO yaaba is gaaray?!… wali waxaan garan la’nahay waxa laynaga maagay, talada iyo fikirkeenana waxay ku soo urureen qaab aad moodayso inaan wada qarweyno!…waa hadlaynaa, khalad baan arkaynaa, laakiin ma saxayno! Waxaan sheegaynaa talo kuma dhaqmayno!… Maxaa innagu dhacay?!…Baddeenii baa Kenya iska sheeganaysaa oo maalin kasta niman aanan annaga dooran oo aanan keensan oo siday ku yimaadeen aan ognahay u yeer-yeeranaysaa oo talo meel la dhiganaysaa oo qaybo dalkeenii ah nin u saxiixayaa!  Waase haddii aan sidaas u dulownay!…Maxaa ina aamusiiyay?! Golihii-SHacabka baa loo iibiyay oo loo gaday niman la doonayo in qallinkooda laynoo adeegsado!…niman aan rumaysnayn wixii aan dhiganay ama aan ku heshiinay (Dastuurkii) sidee bay wakiil inoogu yihiin?!… Ummad waxaynu nahay xor ah! Waxaan marar badan ku celceliyay Awoowayaasheen waxay u dagaalameen oo u dhinteen GOBANIMMADEENNA laakiin annagu oraah baan ku difaaci la’nnahay dhaxalkii ay awoowayaasheen inoo dhaafeen!! Waxay innagu soo simmeen dal xor ah oo dowlad ah laakiin maanta waa kaalinteenii siiba dadka dhallin-yarada ah!

Ololaha colaadeed ee ciidammada Itoobiya ka wadaan gobolka Gedo waa mid ka dhashay heshiisyada huursan ee dadka laga qariyay, markaan sidaas leeyahay malaha runtaan ka baqayaayee wax qarsoonba ma jiraan!… maamulka Jubbaland hiil buu u baahnyahay waxaana muuqata Abiy Axmed iyo Farmaajo heshiiska ay galeen inuu yahay midka horseeday xad gudubka ay ciidammada Itoobiya ku soo ku soo galeen gobolka Gedo, ee maamulka Jubbland ee Soomaaliyeed!…Arrintan ma aha sida dad badan ay moodayaan mid Jubbaland ku ekaan doonta, laakiin waa mid soconaysa oo aan joogsanayn gaaraysana dhammaan gobollada Puntland, Somaliland, waana midda Gal-Mudug lagu qabsan doono aakhirka, waxaana in dadka Soomaaliyeed inay fahmaan ay tahay in Koonfur-Galbeed iyo Hir-SHabeelle ay yihiin sal-dhigyo ciidamo Itoobiyaan oo ka amar qaata si toos ah madaxda sida aan kor ku soo xusay talada dalka loogu dhiibay.

Markii ugu horeysay 1996kii ayeey ciidammada Itoobiya ku soo xad gudbeen xuduudda iyo ciidda Soomaaliyeed, iyagoo ku marmarsoonaya inay ku raad joogaan argagixiso Soomaaliya gudaheeda kaga soo duushay, duulaankaas oo runtii ahaa mid dhibaato ma hadho ah ugu tagay dadka Soomaaliyeed ee gobolkaas ku dhaqan ayaa waxaa Itoobiya ku taageeray Qarammada Midoobay (QM), iyagoo sabab uga dhigay inay Itoobiya xaq u leedahay inay is difaacdo!…waxaase nasiib daro ahayd in cabashadii dadkii shacabka ahaa ee gobolkaas aan cidina uga garaabin, iyadoo waliba ciidammada Itoobiya ay geysteen tacadiyo xagga bini aadanimmada ah oo ay laayeen dad badan oo shacab ah oo waxba galabsan, isla markaasna ay dhac iyo boob badan ka geysteen magaalooyinka Baled-Xaawo iyo Luuq! Waxaana jiray warar soo baxay oo sheegayay in ciidammadaas ay kula kaceen shacabka xad gudubyo ay ka mid ahaayeen inay dadka xilliyada habeenimmada ah guryaha ugu dhaceen oo ay halkaas ka geysteen kufsi baahsan isla markaasna qoriga caaraddiisa ku qaateen waxayaabo qiimaha leh sida lacagta, dahabka iyo electronics-ka.

Dacwadii Jubbaland wali James Swan waa ka jawaabi la’yahay, maxaad sababta u malaynaysaa?!

SHaki  la’aan  Jubbaland marka la fiiriyo doorashadii ka dhacday waxay u dhaqantay sidii uu dastuurka qorayay, waxayna ku adkaysatay inay iyada is maamusho si madax bannaani buuxda ah  oo xuquuqda uu dastuurka siiyay dowlad-goboleeddada waafaqsan, khaladaadkii ka dhacay doorashadii la qabtay waxaa abuuray oo si ku talo gal ah u sameeyay madax-weyne Farmaajo oo ku talo galkiisu ahaa in madax-weynaha Jubbaland Axmed-Madoobe uu xukunka ka tuuro xataa haddii ay ku kacayso dadka shacabka ah dhiiggooda, waxaan middaas cadayn u ah sida uu ula dhaqmay maamulkaas dastuuriga ah, haddii ay tahay inuu ka garab dhisay madax-weynayaal kale ama ciidamo Itoobiyaan ah ha ku dalbado! Waxaase Alle mahaddiis ah in dad-weynaha Jubbaland ay midnimo muujiyeen ammaankoodana adkaysteen! Waxaase ayaan daro kale noqotay in colaaddii Farmaajo aysan halkaas ku dhammaan oo ciidamo Itoobiyaan ku soo hoggaamiyay Jubbaland, waxaana la xirxiray maamulkii Gedo ka jiray ee Jubbaland, waxaana jira dhibaatooyin soo gaaray dadka shacabka oo qaarkood deegaanadoodii ka bar-kacay, sidaasoo kale waxaa jira khasaaro kala duwan oo naf iyo moodba isugu jira inkastoo aan la heli karin warar sugan oo la xiriira wax-yeelada ciidammada Itoobiyaanka ay ka geysteen deegaannadaas ay soo galeen.

Arrimahaas oo dhan aduunka isagoo u jeedo ayuu ka aamusanyahay, laakiin Farmaajo Kenya ayuu heshiis la galay aduunka oo dhan baa u hambalyeeyay!…Yaa Salaam!!.. Waa arrimahaan waxa la doonayo in dadka Soomaaliyeed ay fahmaan!… Maxaa duulaankaan gar-darrada ah ee lagu soo qaaday dal xor ah, oo waliba xubin ka ha Qarammada Midoobay, dunida uga aamustay?!  Waa midda la doonayo dadka Soomaaliyeed inay qaadaa-dhigaan macneeyaan, siiba dhallin-yarrada wax-baratay waa inay falanqeeyaan, fasiraad u helaan, waxa ay ka fahmaanna ay dad-weynaha ku war geliyaan, war-baahinta uga sharxaan!…Waxaase Alle mahaddii ah; ugu dambeyn 10 casho ka dib cabashadii  Jubbaland in Madashii Xizbiyada ay ka dhiidhiyeen duulaanka ama faro-gelinta guumeysigu ka dambeeyo ee ay Itoobiyo ku hayso Soomaaliya, waxaase loo baahanyahay in guddomiyaha Madasha Xizbiyada SHiikh SHariif Axmed uu qoraal rasmi ah oo mowqifkooda ah uu u gudbiyo safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho, isla markaasna uu ogeysiin siiyo xafiiska Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta.

Wakiilka xafiiska Qarammada Midoobay, James Swan, wuxuu ka aamusay oo uusan wali wax jawaab ah ka bixin cabashadii ay gudbisay dowlad-goboleedka Jubbaland November14, 2019,  taasoo ay kaga cabanaysay duullaanka Itoobiya ay ku soo qaaday gobolka Gedo, ee Jubbaland. Jawaab la’aanta Swan waxay noqon kartaa inuu ogyahay in ciidammada Itoobiya ay fasax ama codsi ka yimid dowladda federal-ka ah (Farmaajo) ay  ku soo galeen gobolka Gedo, sababtaas aawgeedna uu u arko inay sharci ku joogaan… waana sababta ugu muhiimsan ee uu cudur daarka ka dhigan karo, laakiin taasi ma noqonayso cudur daar ku filan dhaqanka ciidammada Itoobiya iyo waxyaabaha ay ka sameeyeen gobolkaas oo runtii xad-gudub ku ah qaranimmada Soomaaliya iyo qawaaniinta caalamiga ah. Itoobiya iyadoo ciidamadeeda ay ka mid yihiin hawl-galka AMISOM in ciidamo kale ay dalka Soomaaliya soo geliso, oo waliba ay burburiyaan dowlad-goboleed ka tirsan dowladda federal-ka, waxay meel-ka dhac ku tahay qaranimmada Soomaaliya!…  Xataa  ciidamo ka tirsan AMISOM qaynuun ahaan ma dhex geli karaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowlad-goboleeddada iyo federal-ka, waayo xilkooda kama mid ah… Jawaab la’aanta wakiilka QM James Swan, ayaa dhinaca kale waxay qayb ka tahay qorshayaasha iyo barnaamijyada ay waxa Beesha Caalamka loogu yeero ka leedahay Soomaaliya laguna ilaaliyo ciidammada AMISOM, si gaar ahaaneedna Itoobiya.

Madasha Xizbiyada yeey wakiil ka yihiin?!…Burhaantiina muujiya!…Ha la arko 

Waxaa Madasha Xizbiyada hor yaala hawlo adag, xubno badan oo iyaga ka mid ah ayaa fari  ku  godantahay oo dhibaatooyinka jira qaarkood loo haystaa inay lug ku lahaayeen, hasa yeeshee haddii ay maanta wax saxayaan wax tarkooda waa loo baahanyahay, arrimaha ugu muhiimsan waxay tahay in dad-weynaha iyo midnimadooda ay raadiyaan, inay dad-weynaha xogta dhibaatooyinka uu dalka wajahayo ay la socodsiiyaan oo ku baraarujiyaan!… Itoobiya iyo Kenya, hawlaha ay ka wadaan dadlka gudihisa u turjumi karaan shacabka, dal kasta oo faraha kula jira arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya waa inay u fasiri karaan shacabka biyo dhaca siyaasaddiisa ku wajahan Soomaaliya!…dhammaan talaabooyinkaas waxay sare u soo qaadi karaan lixo jeclaha ay dad-weynaha u qabaan dalkooda, waxayna soo dhoweynaysaa midnimmada ummadda.

Xaaladdu waxay maanta maraysaa meel aad khatar u ah, dalku ma laha Gole-SHacb, mana laha hay’ad kale oo la xisaabtamaysa Golaha-Fulinta, sidaas aawgeed xizbiyada mucaaradka ah waxay ku soo beegmeen xilli munaasab ah waa haddii ay gartaan kaalinta u banaanee!…shaki yuusan idinka gelin Golaha-SHacabka waxaa iibsaday waxa loogu yeero Beesha Caalamka, waayo lacagta xil-dhibaannadii ummadda u dhaartay lagu laaluushay ama  lagu gatay waxaa bixiyay dalal shisheeye ah!…si dalka u u noqdo mid aan la kala xigin, danta laga leeyahayna laga qunsado iyadoo aysan jirin cid dantiisa ilaalinaysa!…Marka Xizbyada mucaaradka waa ay dadaaleen, wayna ahyd inay ka hadlaan xad-gudubka Itoobiya! Waxaa loo haystaa shkhsiyaad iskood isaga socda oo aan lahayn dad ay wakiil ka yihiin, waxaana fiicnaan lahayd inay qabtaan isu soo baxyo (Rallies) iyo kulano ay dadka kula hadlayaan, iyo waliba inay abaabulaan bannaan baxyo dad-weyne oo ay ku diidayaan fara-gelinta shisheeyaha; Itoobiya, Kenya, Maraykan, Ingiriis…iyo ku xad-xgudubyada xudduudaha Badda iyo Beriga ee ay wadaa Itoobiya iyo Kenya?!…

Duulaanka Itoobiya iyo sheegashada badda Soomaaliyeed ee Kenya,  Sal-dhigyada ciidammada shisheeyaha ah ee gobollada laga dhisay iyo hawl-galka AMISOM intuba  waa mid waana isku ujeeddo!…laakiin shacabka?!…shacabka?!…waa la halmaamay, dowlad la hadasho ma leh, dowlad wax uga baahan ma leh (koleey cod ku tahay) xiriirkii iyaga siyaasiyiinta dalka waa la kala gooyay, sidaas aawadeed siyaasadda dalka kaalin kuma leh…waxaana shaxdaas dhigay oo jeexay waxa loogu yeero Beesha Caalamka!….  Balse ka feker, kulankii uu soo qabanqaabiyay Kyle McCarter safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya ee dhex maray Farmaajo iyo Uhuru November 14, 2019, ka dib maxay Kenya ugu yeertay madax-weynaha Jubbaland?!…Madasha Xizbiyada maxay arrintaas kaga tashatay?!…

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid