4 qodob oo muujinaya in Farmaajo uusan fulin doonin heshiiskii uu la galay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar qodob oo muhiim ayaa muujinaya shaki weyn oo ah in Farmaajo uusan dhankiisa ka fuli doonin heshiiskii uu la galay madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in uu jiro shaki wayn oo ay qabaan Madasha Xisyada Qaran iyo inta badan dadka daneeya arimaha Soomaaliya, kuwaas oo markii hore rajo ka qabay in xasilooni dalka u horseedi doono kulankii dhaxmaray Farmaajo iyo madaxweyniyaashii hore.

Afarta qodob ee muujinaya ama shaki gelinaya in dhinaca Villa Somalia uu ka fuli waayo waxyaabihii lagu heshiiyay ayaa kala ah.

  1. Kulankii Arbacadii hore, Villa Somalia waxay diiday in ay ka qayb galaan warbaahinta madaxda banaan oo ay ka qaybgalkeeda dalbadeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.
  2. Villa Somalia sidoo kale waxay diideen in ay madaxweynayaashii hore soo ka xeestaan muuqaal duubayaal gaar ah oo ka tirsan Madasha sidoo kalane Kaamira maano u ah madaxdii hore halka madaxweyniyaashii hore ee dhankooda diideen kaamirada Villa Somalia.
  3. Kulankii Arbacadii hore ma jirin war qoraal ah oo ka soo baxay dhinacyada waxaana dadka falanqeeya arimaha siyaasada ay sheegeen in ay aheyd in heshiis walba noqdo mid qoran.
  4. Iyo Madaxtooyada Soomaaliya ay diiday in ay warbaahinta kala hadasho waxyaabihii ay ku heshiiyeen iyaga madasha Xisbiyada Qaran balse kaliya ay warbaahinta la hadleen hal dhinac oo madaxweynayaashii hore ee dalka. Qodobkan ayaa kan shakiga ugu weyn abuuray, waxaana yaab leh in Villa Somalia aysan sheegin qodobada heshiiska, ayada oo ujeedku yahay inay ka fogaadan in dib loogu qabsado haddii ay ka baxaan qodobo ay horey u sheegeen.

Arimahaasi oo dhan ayaa shaki wayn geliyay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan dooneyn in uu dhaqan geliyo heshiiskii uu la galay madaxdii hore, islamarkaana ujeedkiisu ahaa kaliya in xiisadda uu qaboojiyo.

Maadaama aysan jirin cid goobjoog u ahayd heshiiska, islamarkaana uusan jirin qoraal Villa Somalia kasoo baxay, waxay u sahleysaa inay jebiso heshiiska.

Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir oo ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS iyo Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shalay sheegay in Villa Smalia ay markale ka baxday qodob kamid ah waxyaabihii lagu heshiiyay todobaadkii hore, kaasi oo ahaa dhowrista xuquuqda qofka, kadib markii garoonka Muqdisho laga celiyey xildhibaan Dalays xasan Aadan oo kusii jeeday gobolka Gedo.