Xog: Ahlu-Sunna oo wada qorshe yaab leh oo ay ugu dhowaaqeyso 89 xildhibaan

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaysa in hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ay go’aansadeen qorshe liddi ku ah jadwalkii uu soo saaray guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug oo ay magacaawday dowladda dhexe.

Kulamo magaalada Dhuusamareeb uga socday hoggaanka Ahlu-Sunna saacadihii lasoo dhaafay ayaa lagu go’aamiyey in 29-ka bishan ay Ahlu-Sunna ku dhawaaqdo 89 xildhibaan oo ah tirada guud ee baarlamaanka maamulka Galmudug.

Maalinta ay Ahlu-sunna go’aamisay inay shaaciso liiska xildhibaanada cusub ayaa dhinaca kale waxay ku aadan tahay maalinta ay guddiga maamul dhisidda Galmudug oo ay magacaawday dowladdu ay jadwalkooda ku cadeeyeen inay bilaabanayso soo xulista xildhibaanada maamulka Galmudug.

Masuul ka tirsan hoggaanka sare Ahlu-Sunna ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in fadhiga lagu go’aaminayey arrintaas ay goobjoog ahaayeen Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, isla markaana ay iyagu go’aankaas gaareen.

Ahlu-Sunna ayaa hadda Dhuusamareeb ka wada soo xulidda xildhibaanada cusub ee Galmudug oo gaaraya 89 mudane, sida uu noo xaqiijiyey masuulkaas ka tirsan xubnaha sare ee Ahlu-sunna.

Ahlu-Sunna ayaa horay u magacaawday guddi doorasho oo ka madax banaan ka ay magacaawday dowladda federaalka ee soo saaray jadwalka doorashooyinka maamulkaas.

Sidoo kale go’aankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo caawa laamaha amaanka magaalada Dhuusaamreeb ay soo saareen amar ah in hoteelada magaalada aan lagu qaban karin shirar ka dhan ah dowladda federaalka ama aan ogolaansho looga heysan saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb.