Itoobiya oo ku dhawaaqday go’aan la xiriira jabhadda Oromada

Addis ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Axaddii sheegay in dowladdiisa ay wada hadal la furtay jabhadda Oromada ah ee OLA, oo ka dagaalanta gobolka Oromada, oo ah gobolka ugu weyn uguna dadka badan dalkaas.

“Wada xaajoodka Oneg Shene, ayaa maalin ka dib ka bilaabmi doona dalka Tansaaniya,” ayuu yiri Mr Abiy, isagoo magac kale u adeegsaday OLA.

Wuxuu yiri “Dowladda iyo shacabka Itoobiya waxay aad ugu baahan yihiin geeddi-socodkan wada-xaajoodka,” isagoo raaciyay, “Waxaan ka dalbanayaa dhammaan kooxaha inay qaybtooda ka qaataan wada hadalkan.”

Abiy ayaa sidaas ku sheegay khudbad uu ugu dabbaaldegayay heshiiskii nabadeed, ee ay dowladdiisu la gashay Jabhadda Tigray (TPLF) bishii November ee sanadkii hore, si loo soo afjaro dagaalka Tigray-ga.

Ma jiro wax tafaasiil ah oo intaas dhaafsiisan, oo uu ka bixiyay qaabka ay u dhacayaan wada-hadallada iyo dhexdhexaadiyeyaasha.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka dalbaday dhammaan dhinacyada inay “xasuusnaadaan inaanan waxba laga faa’iideynin dagaal”.

Bayaan ay soo saareen isniintii OLA, ayaa lagu xaqiijiyay wada hadalka, iyagoo sheegay inuu yahay “tallaabo muhiim ah oo wanaagsan oo loo qaaday sidii nabad waarta loogga dhalin lahaa gobolka”.

Waxa ay sheegtay in dowladdu ay aqbashay shuruudaheeda wada xaajoodka nabadeed, oo ay ku jiraan in lagu daro “dhexdhexaadiyeyaal ka socda dhinac saddexaad”.

Ururka OLA iyo dowladda federaalka Itoobiya, ayaa midba midka kale ku eedeeyay weeraro dhowr ah oo ka dhacay gobolka Oromada.

Kooxdan fallaagada ah, ee sheegta in ay u dagaallamayaan xuquuqda qowmiyadda Oromada, ayaa dowladda federaalku u aqoonsatay urur argagixiso bishii May 2021-kii.

Khilaafka u dhaxeeya OLA iyo dowlada Federaalka, ayaa ah mid ka duwan dagaaladii Tigray-ga, balse OLA ayaa isbahaysi la samaysatay kooxda TPLF 2021-kii.