ITOOBIYA oo shaacisa xog yaab leh oo ku saabsan rabshadihii dalka ka dhacay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa maanta markale ka hadashay banaan-baxyada ka dhashay dilkii loo geystay fanaankii caanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa.

Xeer Ilaaliyaha guud ee federaalka dalka Itoobiya, Adanech Abebe ayaa xili ay wareysi siinaysay idaacada BBC sheegtay in qorshayaasha banaan-baxa iyo qalalaasaha ay hore u diyaarsanayaan ka hor dilka fanaanka.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa ku doodaysa inay jireen kooxo iyagu hore isku abaabulay oo sugayay fursadan, isla markaana dad badan ku laayay, maadama ay hore isugu diyaariyeen qalaalaso noocan ah.

Adanech ayaa sidoo kale sheegtay in dad badan oo u geeriyooday rabshadahaasi ay qeyb ka ahaayeen kuwii hore u abaabulay qalalaasahaasi, wallow aysan si cad u carabaabin.

Abebe ayaa ku doodeysa in qalaalasaha iyo rabshadaha markiiba ka bilwoday dalkaasi kadib dilka fanaanka ay ahaayen kuwa diyaarsan, maadama ay saacado kooban gudahood ay ku dhigeen rabshado iyo banaan-baxyo xoogan, kuwaasi oo ku fushanaya danahooda, sida ay hadalka u dhigtay.

“Xogta ilaa iyo hadda aan hayno dadka ugu badan ee rabshadaha ku dhintay iyo dadka masaakiinta dilka u gestayba iney ahaayeen dad horay isu abaabulay oo heegan ku jiray, balse ay ahayn dhacdo si kadis ah ku dhcday” ayey tiri Adanech Abebe.

Waxayna intaas kusii dartay “Dowladda si ay rabshadaha u soo afjarto shaqsiyaadkii looga shakiyey iney ku lug lahaayeen oo ay ka mid yihiin Jawar Maxamed iyo Baqale Garbaa waxay hub iyo qalab isgaarsiin oo ay sharci u haysan ay kala wareegtay xubnahaasi, iyaga oo warbaahintoodaa farriimo ficilladooda garab siinayo oo dalka ammaankiisa khatar gelinaya ka baahinayey”.

Xeer Ilaaliyaha guud ee federaalka dalka Itoobiya ayaa waxa kale oo ay sheegtay in dowladdu ay u xirtay dad garaya 2,700 oo qof, rabshadihii todobaadkii hore dalka Itoobiya ka dhacay.