Itoobiya oo soo bandhigtay magacyada 24 saraakiil iyo madax ah oo ay sheegtay inay ka dishay Al-Shabaab

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa soo bandhigtay magacyada 24 sarkaal oo sare oo ay sheegtay inay ku dishay dagaaladii ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ku qaaday xuduudda iyo gudaha dalka Itoobiya.

Liiska ay Itoobiya soo badhigtay waxaa kasoo dhex muuqday Fu’aad Maxamed Shangole iyo Cabdicasiis Abuu Muscab oo labaduba soo hadlay, kuwaas oo sheegay inay nool yihiin.

Itoobiya ayaa sheegtay inay guud ahaan dagaalka ku dishay 813 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ay ku jiraan 24 sarkaal oo ay shaacisay magacyadooda.

Halkaan ka akhriso magacyada saraakiisha Al-shabaab ee Itoobiya ay sheegtay inay dishay.

1- Fu’aad Muxamed Khaliif – Madaxa ololaha iyo dacaayadda Al-Shabaab
2- Cabbdulaziz Abu Muscab – Afhayeenka al-Shabaab
3- Cabdinuur Ciise – Madaxa Aagga Bokool iyo Xuduudka Itoobiya
4- Madaxa Saadka Al-Shabaab ee Koonfur Bari
5- Abuu Muusa- Guddoomiye ku-xigeen
6- Ali Muhammad Hassan – Horjoogaha labaad ee Al-Shabaab
7- Aadam– Taliye ku-xigeenka Al-Shabaab
8- Mukhtaar Gab – Xubin Golaha Dhexe
9- Amiir Cabdullaahi (Maxamed Cabdullaahi) – Madaxa Tababarada Al-Shabaab ee Xerada Morgabe
10- Injineer Jehad Srewan (Mujaahid Faysal) – Madaxa Tababarada iyo Walxaha Qarxa ee Kaamka Bluefly.
11- Sheikh Hussain Berdele – Canshuur aruuriyaha Aagga Bakool
12- Sheekh Hassan Nuuno – Madaxa Ololaha Jebalada Sh/hoose
13- Yaasiin Dheere
14- Saalax Dheere – Madaxa Waxbarashada Al-Shabaab ee Gobolka Baay
15- Abuu Salaam – Aagga Bokool ee ururinta Al-Shabaab
16- Xamzi Cabdllaahi – Madaxa Warfaafinta Aagga Bay
17- Cabdullaahi Xaaji- Taliyaha Ciidanka Milatariga ee Aagga Bokool
18- Mukhtaar Boro
19- Abdurashid Gabo
20- Cabdukiim Gedude
21- Mukhtaar Gaab – Madaxa Ololaha Gobollada
22- Ayuub Daa’uud
23- Cali Aadan
24- Xasan Maxamed

Ma jirto cid xaqiijin karta sheegashada Itoobiya, hase yeeshee wararkii hore uga soo baxay Addis-Ababa ee ku aadanaa madaxda ay ka dileen Al-Shabaab ayaa noqday been, waxaana ugu dambeeyey Fu’aad Shongole iyo Cabdicasiis Abuu Muscab oo labaduba soo hadlay kadib sheegashadii Itoobiya.