Itoobiya oo wajahaysa halis ay 5 arrimood sababeen

Afgembigii dhicisobay ee ka dhacay dalka Itoobiya waxuu soo shaac bixiyey khilaafka ka dhaxeeye qowmiyadaha iyo degenaansho la’aanta siyaasada Itoobiya.

Tan iyo intii Dr. Aby Ahmed loo doortay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, waxaa aad u xoogsanayay isku dhacyada qowmiyadaha, taas oo horseeday dhimasho iyo barakac baahsan. Sida ay ku soo waramayaan hay’adaha xuquuqda aadamaha iyo tan Socdaalka Aduunka (IOM). In ka badan 3 mialyan ayaa ku barakacay gudaha Itoobiya, waana tirada ugu badan ee shacab ku barakaca gudaha wadankooda (Euro news January 01, 2019).

Furfurnaanta siyaasada ee Dr. Aby Ahmed la yimid, oo ay ku jirto in sare loo qaado xuquuqda aadamaha, xuriyada hadalka iyo in dadka ay ismaamulaan waxuu soo kiciyey hurgumooyin aasnaa.

Dadka falanqeeya xaaladaha gobolka waxay rumeysan yihiin in rabshadaha iyo dagaalada qowmiyadaha u dhaxeeya sabab u yihiin dhowr arrimood:

  1. Hanaankii Ra’iisul-wasaarahii Meles Zenawi u ku abuuray maamul goboleedyada sagaal ah. Kaas oo qowmiyad walba qayb dhulkeeda ka mid ah, uu raaciyey qowmiyada deriska la’ah, taas oo kordhisay in muranada Kilinada uusan damin!
  2. In qowmiyad kasta gudaheeda ka dhex abuuray nidaamkii hore xiisado, iyo xasarado aan dhammaan. Tusaale waxaa inoogu filan qowmiyada Soomaalida iyo “Jeel Ogaadeen,” sidii dadka loogu ciqaabi jiray.
  3. In qowmiyada Tigreega iyo Amxaarada laqi la’ yihiin isbedelka uu wado Dr. Aby Ahmed, isla markaasna labadaas qowmiyadood uu mid walba damac kaga jiro hogaanka ugu sareeya.
  4. Nidaamka Aby Ahmed oo halsiib ku haya madaxdii la soo shaqaysay maamuladii ka horeeye, si awoodda kursiga ay u xajistaan.
  5. Tirada dadka Itoobiya iyo shaqo la’aanta dhallinyarada haysata oo si xawli ah u kordhaysa. Taas oo abuurtay u sinaan la’aanta fursadaha jira.

Dhammaan arrimahaas iyo kuwo kale oo isbiirsaday waxay dalka u horseedeyn cadaawad dheeraad ah iyo ku tartan awood oo abuuray xasilooni daro iyo rajo-beel.

Inkastoo, la fashiliyey isku daygii afgambi misana waxuu u keenay khal-khal iyo jahawareer, nidaamkii Ra’iisul-wasaare Aby Ahmed. Tusaale Boliiska ayaa ku waramay in uu isdilay askarigii dilay Taliyihii Ciidamada Itoobiya Jeneraal Seare Mekonnen iyo Jeneraal Gezai Abera oo howlgab ahaa, islamarkaasna lagu tirin jiray inuu taageersanaa isbedalka uu waday Dr. Aby Ahmed, balse goor dambe, ayay sheegayn inuu dhaawac yahay askarigii falka geystay laguna daaweenayo cisbitaalka.

Waxaa kaloo sabtidii xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Aby Ahmed shaaciyey in gacanta lagu hayo askarigii falka geystay. Wararkan isburinaya waxay muujinayaan anfariirka iyo argagaxa ku dhacay nidaamka Itoobiya ka talinayay!

Waxaa sidoo kale la dilay madaxii ismaamulka Amxaarada, Ambachew Mekonnen, xeer-ilaaliyihii gobolkaas, iyo saraakiil sare.

Hadaba waa kuma shaqsiga ka dambeyay afgambiga? Maxuuse saamayn iyo raad ah ku yeelan karaa nolosha, amniga, iyo Siyaasadda Federalka Itoobiya, iyo tan gobolka?

Madaxii Amniga gobolka Amxaarada Sareeyo Guuto Asaminew Tsige, ayaa lagu eedayay inuu ka danbeeye afgambigii dhicisobay, balse waxaa la aaminsan yahay inuusan keli ku ahayn waxa dhacay. Dad badan ayaa la xirxiray, halka Sareeyo Guuto Asaminew Tsige la dilay sida TV qaranka uu sheegay.

Asaminew Tsige, waxuu u xirnaa mudo 9 sano ah isku day afgambi hore, waxaa xabsiga ka siidaaye nidaamka cusub sanadii la soo dhaafay. Waa nin aaminsan nidaam dhexe oo xoog badan, isla markaasna aan la dhacsaneen hanaanka federalka uu soo rogay Ra’iisul-wasaarihii hore Meles Zenaw.

Hay’adaha xuquuqda aadamaha iyo khabiirada gobolka waxay walaac ka muujinayaan in Dr. Aby Ahmed dib uga joogsado tanaasulaadkii u fidiyay kooxaha mucaaradka. Taasoo cabsi laga qabo inay horseedo ku tumasho xuquuqda aadamaha, maadaama madax-bannaanida nidaamka garsoorka iyo kan fulinta uusan isku dheeli-tirneen.

Gabi ahaan waxaa go’an adeega internetka, waxaa xigay in la jaro adeega dirista fariimaha. Jun 22, 2018 ayay ahayd markii 200 website laga qaaday xayiraada lana ogolaaday xuriyada hadalka. Balse sanad kadib arrinkaas waxuu u muuqdaa inuu meesha ka baxayo.

Arrinka dad badan la yaabeen ayaa ah in Jun 23, 2018 Dr. Aby Ahmed ka badbaaday isku day dil, isagoo khudbad ka jeedinaye goob fagaare ah oo ku taal Addis Ababa. Halka Jun 23, 2019 fashilmay afgambi xukunka looga tuuri lahaa Ra’iisul-wasaare Aby Ahmed.

Haddii ay kordho xasillooni darrada gudaha Itoobiya, waxay abuuri kartaa in qaxooti faro badan ku soo jabaan wadamada deriska la ah Itoobiya, ayna ugu horeeyso Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waa inay qaadaan talaabooyin lagu dedejinaayo dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, si looga gaashaanto khatarta ka soo fool leh Itoobiya.

Waxaan shaki ku jirin, in maamulka Dr. Aby Axmed uu wajahayo caqabad adag (khatar), si uu u mideeyo kuwa taageersan nidaamka federalka ah iyo kuwa ka soo horjeeda ee u arkaya inuu halis ku yahay kooxdooda (qomiyadooda) iyo qarankaba.

W/Q: Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Qaasim