Kenya oo war cusub kasoo saartay mowqifkeeda ku aadan aqoonsiga Somaliland

Nairobi (Caasimada Online) – Kadib qoraalkii muranka dhaliyey, dowladda Kenya ayaa go’aan cad kasoo saartey mowqifkeeda ku wajahan Somaliland oo ay xiriir la yeelaneysay mudooyinkii u dambeeyay.

War kooban oo isbuucii hore lagu daabacay barta Twitter-ka ee wasaarada arrimaha dibada Kenya ayaa maamulka gooni isu taaga ah ku tilmaamay “dal” taasoo muran xoogan dhalisay.

Monica Juma, wasiirka arrimaha dibadda wadanka Kenya oo arrintaan waxay tiri: “Mowqifkeena ku aadan Somaliland waxa uu lamid yahay midka Midowga Afrika. Waxa aanu xishmeynayaa xuduudaha Afrika sida ku xusan heshiiskii AU-da ee sanadkii 1964-tii”.

Xukuumada Muqdisho wali kama aysan fal-celin talaabada ay Kenya ku dhaqaaqdey ee ah “wadanka” ugu yeertay maamulka Hargeysa xili Nairobi ay sheegtay in ay difaacaneyso danaheeda.

Hasa ahaatee, Mr Juma oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaasi raacisay: “Waxa aan dano ka leenahay dalal kahor inta aysan noqon wadamo madax banaan sida Suudaanta Koonfureed oo aan ku lahayn wakiilo, dalal badan ayaan wakiilo ku leenahay, dal noocaasi ah ayaanu nahay. Taasi ma waxay ka dhigan tahay in aanan la macaamilin dadka, waan la macaamileynaa.

“Maxkamad ma keeneyso xal waara”

Iyadda oo Arbacadii Maxkamada Cadaaladda Aduunka ay muddeysay in ay bisha September ay dib u bilaabeyso dhageysiga dacwada dhextaala Soomaaliya iyo Kenya ee kiiska ku aadan xuduud badeedka, ayay Mr Juma muujisay in dalkeeda uusan ku qanac-saneen in xeer-beegtada dunida ay xukmiso kiiskan.

“Kiiskan waxaanu soo jeedinay in Maxkamada aysan dhageysanin, waayo xeerka ICJ wuxuu dhigayaa in labada dhinac ay soo gudbiyaan dacwadda, waxaanu aaminsanahay in aanu sharciyad u lahayn in ay xukunto, waayo wali lama marin jidadkii kale ee furnaa si loo xaliyo khilaafkan. Soomaaliya iyada oo aanan cid kale la hadal ayey markiiba maxkamad tagtay, oo ah halkii ugu dambeysay, ma aaminsani in tani mushkiladan u keenayso xal waara,” ayay ku sheegtay wareysi ay siisey BBC-da.

“Kiiska Soomaaliya waa mid jilicsan”

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wareegii koowaad ee dacwada labinta heshay ayaa waxay gudbisay gal-dacwadeedkan bishii Agoosto ee sanadkan 2019.

Murankan oo soo xoogeystay bilooyinkii lasoo dhaafay ayna Kenya qaadey mudooyinkii dambe talaabooyin ay ku dooneyso in wada hadal lagu dhameeyo qadiyadan ayaa waxaa sabab u ah dacwada oo heer gabagabo ah mareysa.

“Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyay oo ah in Soomaaliya ay kiis adag leedahay, aanngu taa ma qabno. Kiis dhan walba ka adag ayaanu haysanaa, ma rabo in aan ka hordhaco waxay maxkamadu oran doonto, sida ay qabaan shuruucdyadda caalamiga ah,” ayay hadalkeeda kusii dartay wasiiradda.

Goobta ay isku haystaan labadan dal ee dariska ah oo badkeeda lagu qiyaaso 100 KM oo isku wareeg ah ayaa hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka si gaar ah Shidaal iyo Gaas, waxaana jira heshiisyo ay labada dowladood la galeen shirkado reer Galbeedku leeyihiin oo ku saabsan sidii loosoo saari lahaa Saliidaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Isha: Garowe Online