Xog: Khayre oo hal arrin ugu laabtay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah ku soo maray deegaanada Huurshe iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Khayre oo ku hoyday Dhuusamareeb ayaa isla xalay ka bilaabay kulamo magaaladaasi.

Kulamadan oo illaa saaka soo gaaray ayaa Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la leeyahay madaxda Ahlu-Sunna iyo Odayaasha dhaqanka ee degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Khare uu isku dayayo inuu Ahlu-Sunna qanciyo, si loo dhiso maamul loo dhan yahay.

Ahlu-Sunna oo ay markii hore isku soo dhawaayeen DF ayaa waxa ay arrintu ka dartay markii Xaaf uu ku laabtay Cadaado, kana soo horjeestay garabka Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xaaf oo ku xumeynaya Ahlu-Sunna ayaa bedalay go’aankiisii, waxaana uu aqbalay in la qabto doorashada, sidoo kale waxa uu dowladda la galay heshiis ka koobnaa 5 qodob oo la xariiray doorashada Galmudug iyo dib u heshiisiinta maamulkaasi.

Xaaladda ayaa wixii ka dambeeyay markaasi ka sii dartay, waxaana ay Ahlu-Sunna u muuqataa in looga adkaaday loolanka siyaasadeed ee Galmudug.

Ku soo laabashada Dhuusamareeb ee Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa muujineyso mid uu ku doonayo inuu ku qanciyo Ahlu-Sunna, si loo soo afjaro khilaafka maamulkaasi.

Dhinaca kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ra’iisul wasaaruhu gelinka dambe ee maanta ku wajahan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Qaban qaabo xoogan ayaa laga dareemayaa gudaha Guriceel, iyadoona waddooyinka waa weyn lagu xardhay Sawirrada Ra’iisul wasaaraha dalka.

Sidoo kale ammaanka ayaa sid aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha magaaladaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayuu Khayre ku sugnaa Galgaduud, waxaana uu booqday deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com