Xog: Yaa gadaal ka riixaya qorshaha ay Kenya xafiis uga furanayso Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Kenya ayaa hore u shaacisay inay xafiis ka furaneyso caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa, taasi oo ay ergey gaar u xil saartay furashada xafiiskaasi.

Haddaba, Qorshahan ay Kenya ku rabto inay xafiis uga furato Somaliland ayaa waxa dabada ka riixaya muwaadiniinta reer Kenya ee ku nool Somaliland, kuwaasi oo Xukuumadooda ku baraarujiyey inay qunsuliyad ka furato caasimada Somaliland.

Muwaadiniintan Kenyanka ah ee ku nool Somaliland ayaa u arka furad weyn inay Dowladoodu ay xafiis ka furato Hargeysa, midaasi oo ay ku sheegen inay fursad ugu helayaan inay cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda Kenya, isla markaana ay u helaan xafiis ay dowladoodu leedahay oo ay hawlahooda la socodsiiyaan.

Wargeyska East African Business Week oo ka soo baxa dalka Uganda, ayaa wax ka qorey arrintaasi, isagoona ku qiyaasay tirada muwaadiniinta u dhashay dalka Kenya ee Somaliland ku nool 10-kun oo qof, isla markaana ay dowlada Kenya ugu baaqeen inay xafiis ka furato magaalada Hargeysa.

Christine Syombua oo ah muwaadin reer Kenya ah oo degan Somaliland ayaa caaddeeyey inay baahi weyn u qabaan qunsuliyad ay Kenya ka furato Hargeysa, si ay uga maarmaan socdaalka dheer ee ay u galaan inay helaan ama cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda Kenya.

Waxa kaloo uu intaasi ku daray muwaadinkan in qunsuliyadaasi ay noqon lahayd halka ay la xiriiraan mar kasta oo dhibaato soo gaarto.

Baaqa muwaadiniinta Kenyanka ee ku nool deegaanada Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili uu sii xoogeysanayo xiriirka u dhaxeeya Kenya iyo Dowlada aan weli helin aqoosniga ee Somaliland.

Dhinaca kalena, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay iyaduna shalay ka hadashay kulan uu Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaraddaasi Mr. Macharia Kamau la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Fartoon, oo ay sheegen in labada Mas’uul ay shirkaas kaga wada-hadleen danaha guud ee labada ‘dal’ wadaagaan iyo sidii loo sii taabo gelin lahaa cilaaqaadka Somaliland iyo Kenya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com