Prof. Buubaa oo shaaciyey hal arrin oo lagaga wada-hadlayey shirkii Nairobi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka tirsan hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani, ayaa ka hadlay Shirkii ay Somaliland kaga qeyb gashay dalka Kenya.

Prof Buubaa ayaa Shirkaasi ku sheegay mid aan shaqo ku laheyn Wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, balse uu ahaa mid gogol xaadh ah oo waxyaabo badan lagu lafo gurayey.

Buubaa ayaa ka digay in laga been sheego oo la qariyo natiijada ka soo baxda shirkaasi ay isku hor-fadhiisteen Xubnaha ka socday Somaliland iyo Wakiilada Beesha Caalamku.

Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa arrimahaasi kaga hadlay wareysi gaar oo uu shalay bixiyey, wuxuuna yiri “Ma haboona in la deg-dego oo la faafiyo waxyaabo xaqiiqada ka fog, balse waxaa loo baahan yahay oo haboon in wax walba laga fiirsado, Shirkani muu ahayn Shir ay ku wada hadlayeen Somaliland iyo Somaliya, balse wuxuu ahaa Shir gogol xaadh ah, oo waxyaabo badan baa lagu lafo guray”.

“Waxay muhiimaduna ahayd wixii ka soo baxa in la eego, oo waliba la soo bandhigo, oo siday wax u dhaceen wax loo sheego, balse in wixii Shirkan ka soo baxay ee lagu lafo guray, in si kale loo turjumo oo waxyaabo kale oo xaqiiqada ka fog la sheego ma haboona, wax walbana ka fiirsiga ayey ku wanaagsan yihiin”.

“Shirkani muu ahayn Shir iyo meelo lagu wada hadlayo, ciddaas ayaa timid iyo ciddaas ayaa ka maqnayd, wax macno leh oo ay sameeynaysaa ma jirto, wuxuu ahaa Shir gogol xaadh ah oo waxyaabo badan lagu lafo gurayo, muu ahayn Shir ay si toos ah u wada hadlayeen labada dal, balse wuxuu ahaa Shir khubaro iyo dalal badan ka soo qayb galeen nuxurkuna wuxuu ahaa inay iyagu noqdaan ka qayb galayaan iyo dhagaystayaal”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland waxaa mar walba looga baahan yahay in Dawladda Somaliya iyo Beesha Caalamkaba ay ku qanciso madax banaanideeda iyo jirtaankeeda dawladnimo, Somaliland waxaa looga baahan yahay inay ku qanciso in labada dal ay kala ahaayeen laba dal oo kala madax banaan, oo isku biiray, haddana kala baxay, marka horena cidda maanta ay maanta wax inagaga xidhan-yihiin waa Somaliya, oo loo baahan yahay inay Somaliland ka shaqeeyso sidii ay ugu qancin lahayd dawladnimadeeda”.

“Maxaa yeelay Caalamku wuxuu yidhi soo wada-hadla, maantana wada-hadaladu inaga ayuu danteena yahay, maxaa yeelay inaga ayaa rabna inaynu aqoonsi buuxa ka helno Caalamka, aqoonsiguna wuxuu ku iman karaa inagoo Somaliya miiska wada hadalka ku qancina, iyo inaynu ahaano laba dal oo jaar ah, oo iskaashi iyo wax wada qabsi inaga dhexeeyo”.

Ugu dambeyntii, Prof Buubaa ayaa si adag uga hadlay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee uu midnimada ugu baaqayey Somaliland, isagoona ku tilmaamay inuu rayigiisuna ka hadlay Farmaajo, balse aysan jirin midnimo la isku qasbayo.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com