Itoobiya oo war kasoo saartay khariidaddii Somalia laga tiray ee ay soo bandhigtay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda ayaa ka ajwaabtay islamarkaana raali-gelin ka bixisay map ama khariidad lasoo dhigay website-ka wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas oo si aad ah uga carreysiiyey dadka Soomaaliyeed.

Khariidaddan oo ahayd tan qaaradda Afrika, ayaa gebi ahaanba laga tiray Soomaaliya, oo sida muuqatay lagu daray Itoobiya, laguna muujiyey khariidadda in Soomaaliya ay ka tirsan tahay Itoobiya.

Waxaa sidoo kale ka muuqatay in Somaliland laga reebay Soomaaliya, islamarkaana Somaliland laga dhigay dal madax banaan oo ka tirsan Afrika.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa lagu yiri “Waxaan ogaanay in sawir qaldan oo aan la aqbali karin oo ah map-ka qaaradda Afrika uu ku dhuuntay website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya. Markii aan ogaanay durba waan ka saarnay website-ka”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ku kalsoonaada in kooxdeena ICT ay ka shaqeynayaan amniga website-ka. Waxaan si shalayto leh uga cudur daaranaynaa jahwareerka iyo is-faham waaga laga yaabo in dhacdadan ay sababtay.”

Hoos ka arag sawirka muranka sababay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com