Itoobiya waa cadowgeena iyo waa ciidansaneynaa sidee ayey isku qaban karta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa weli qeyb ka ah ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

Addis Ababa ayaa horraantii bishaan Soomaaliya ku tijaabisay damaceeda bad doonka ah, iyada oo Muuse Biixi ka saxiixatay 20KM oo kamid ag xeebaha deegaanka Lughaya ee gobolka Awdal ee Soomaaliya.

Arrintaan ayaa si weyn u dhaawacday xiriirka labada waddan. Muqdisho ayaa qaaday dagaal diblumaasiyadeed xoog leh, waxaana maalinta berri ah loo balansan yahay shirka urur-goboleedka IGAD oo ay ku wada jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana miiska saaran in laga doodo qadiyada soo cusboonatay ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Inta aan la gaarin shirkaasi, madaxda dowladda Soomaaliya ayaa kalmado ad-adag u adeegsaday dowladda Itoobiya. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay inay tahay Itoobiya cadow taariikhi ah. Wuxuu dadka Soomaaliyeed u sheegay inay leeyihiin laba cadow oo ah Itoobiya iyo Argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre isna wuxuu dhawaan ku hanjabay inay Itoobiya meydada xaabsan doonto haddii ay isku deydo haddii dalka u timaado qaadashada taako kamid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliyeed.

In Soomaaliya ay weli ciidansaneyso ciidanka Itoobiya oo dhowr magaalo dalka ka joogaan isma qaadan karto. Dadka ka faalloonaya mowduucan ayaa usoo jeedinaya madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa inay Midowga Afrika weydiistaan in ciidanka Itoobiya laga beddelo oo dalka ka baxaan, maadaama ay ku xad-gudbeen madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo midnimada dalka.

Dowladda Soomaaliya xaq waa u leedahay codsigaan, waxayna u badan tahay haddii ay bareeraan in Midowga Afrika uu taas aqbali doono.

Waxay dowladda federaalka ee Soomaaliya heli doonta inay ciidanka Itoobiya dalka ka baxaan, waxaana dalalka Afrika ku yaalla ee Soomaaliya ciidanka ka heli karto kamid ah Masar iyo Eritrea, kuwaasi oo aanay Soomaaliya kala dhaxeyn taariikh madow, dhinaca kalena uu damac uga jirin biyaha iyo dhulka Soomaaliya.

Labadaan waddan iyada oo la isticmaalayo Kanaalka Midowga Afrika waxay u badan tahay ayaa la leeyahay inay Soomaaliya milateri ahaan garabsiin karaan marxaladan adag. Waqti fog Soomaalida waxay diidi jirtay inay dalka soo galaan ciidamo ka socda dalalka deriska, mid kamid ah sababaha loo diidi jiray waa inuu imaan karey damac lamid ah midka maanta jira ee ka yimid dhinaca Itoobiya.

Inay ciidanka dalalka deriska ay weli sii joogaan Soomaaliya ayaa keeni karta halis kale oo mustaqbalka ah. Lama oga inay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya codsan doonto in ciidanka Itoobiya laga beddelo, wallow laga yaabo in arrintaasi dhaqaale xooggan u baahan tahay.

Laakiin dalalka Masar iyo Eritrea oo raba inay Itoobiya culeyska ku badiyaan ayaa Muqdisho siin karta fursado badan oo bilaash ah. Haddii aanay dowladda Soomaaliya oo ay qaadin tallaabooyin waaweyn dad badan ayaa u arki kara in aysan daacad ka aheyn badbaadada dhulka iyo badda Soomaaliyeed.

Itoobiya waxaa la sheegaya inay ka fikireyso inay awood ciidan ku meel-mariso heshiiskii Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi, wallow taasi u muuqato qaras-ka-tuurnimo xoog leh gobolkana ay gelin doonto dagaal aan la aqoonin waqtiga uu qaadan karo iyo bar dhamaadkiisa.