Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Uganda iyo qorshaha Soomaaliya ee shirka IGAD

Kampala (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Uganda halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shir aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa halkaas ku soo bandhigi doona baaxadda xadgudubka Itoobiya ay ku heysto madax-banaanida Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaaliya waxaa u qorsheysan inay shirkaas ku soo bandhigto digniin ku saabsan xasilooni darrada amni ee Itoobiya ay ka abuureyso gobolka oo dhibaato badan sababi karta.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu khudbadda uu ka jeedinayo shirkaas ku xooji doonaa go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ay ku laaleen heshiiskii sharci darrada ahaa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen.

Soomaaliya ayaa ku doodi doonta in wixii lagu tilmaamay heshiiska ee Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ay galeen 1-dii bishaan uu ka hor imaanayo xeerarka caalamiga ah iyo shirciyadda ay ku dhisan yihiin ururrada Midowga Afrika iyo IGAD oo Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada tirsan yihiin.

Xasan Sheekh inta uu joogo Uganda wuxuu la kulmi doonaa madaxda kala duwan ee ka soo qeyb geleysa shirarka xasaasiga ah ee maalmaha soo socda ka dhici doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Soomaaliya ayaa dhanka diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, maalmihii koobnaa ee khilaafkaan uu soo jiray, waxaana lagu wadaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu sii xoojiyo inta uu joogo Uganda galaangalkiisa caalamiga ah, si Itoobiya loo sii geliyo go’doon diblomaasiyadeed.

Madaxweynaha iyo Wafdiga wehelinaya ayaa sidoo kale ka qeyb-gali doona shirka Isbaheysiga dalalka dhex dhexaad ka ah oo isna lagu qabanayo dalka Uganda.

Itoobiya ayaa diiday inay ka soo qeyb gasho shirkaan xasaasiga ah ee IGAD ay ka yeelaneyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna dadka ku xeeldheer diblomaasiyadda go’aanka Itoobiya ku macneeyeen ‘go’doon diblomaasiyadeed’ oo Soomaaliya ay gelisay Itoobiya.