Xog: Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo socdaal lama filaan ah ku yimid Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka  Mareykanka ee CIA, William Joseph Burns, ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Agaasime William Joseph ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed Mahad Salad.

Kulanka oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa looga hadlay arrimaha iskaashiga Amniga iyo la-dagaalanka Argagixisada.

Xogo hoose oo kulankaas ay ka heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in aad loogu gorfeeyey labo arrin oo kala ah:

1-dagaalka Al-Shabaab oo dowladda Soomaaliya ay Mareykanka ka dalbatay in si buuxda looga garab siiyo, sida duqeymaha iyo ka hortagga dhamaan dhaqdhaqaaqyada kooxda.

2-Iyo iskaashi ay Soomaaliya iyo Mareykanka ka yeeshaan amniga guud ahaan gobolkaan Geeska Afrika, arrimaha la gorfeeyey waxaa ku jirtay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku heysa damaca badda Soomaaliya ay ka qabto Itoobiya.

Mareykanka ayaa Soomaaliya muddo dheer ka gacan siinayey duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, inkastoo waayahaan dambe aad loo dhaliilo doorkiisa dagaalka adag ee dowladda Soomaaliya ay ku qaaday kooxda, si looga tirtiro saaxada.

Agaasimaha CIA Mareykanka William Joseph ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay safaro ku marayay Gobolka Geeska Afrika.

Agaasime William Joseph ayaa maalin ka hor Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Agaasimaha Sirdoonka dalka Kenya.