Jaaliyadda Mataan Cabdulle ee UK oo soo dhoweysay hadalkii Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye.

Jaaliyadda Beesha Mataan Cabdulle ee ku nool dalka UK, ayaa si buuxda u taageertay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Malaaq Cali Malaaq Showri Malaaq Colow ee ku aadanaa maamul u samaynta Banadirland (Ex-Banaadir).

Bayaan ay jaaliyadda soo saartay oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay Caasimada Online ayaa lagu yiri “Malaaq Cali waxa uu farta ku fiiqay inay lagam maarmaan tahay in Dowladda ay kala tashato maamul u sameynta Ex-Banaadir dadka ka soo jeeda ama ku abtirsada Banadirland, arrintaasna waa xaq, waxaana loo baahan yahay in Dowladda Federaalka Somalia ay tixgeliso taas, si looga fogaado qulqulatooyin siyaasadeed”.

Bayaanka Jaaliyadda ayaa Malaaq Cali Malaaq Showri ku tilmaamay inuu ka mid yahay dadka u ololeeya ama u dooda Caddaalada iyo Midnimada Soomaliyeed.

Waxa ay Jaaliyadda xustay tallaabadii uu Malaaqa qaaday Axaddii ee uu soo dhoweyn, boogaadin iyo hambalyo ugu diray dowladda tirada yar, balse tayada badan, isaga oo sidoo kalena ka codsaday Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamud inuu ku dadaalo Cadaaladda si loo helo midnimo Soomaaliyed.

“Malaaq Cali waxa uu si hagar la’aan ah u soo dhoweeyay isbeddelka siyaasadeed, dhaqan dhaqaale ee ka hanaqaaday dalka Somalia” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale xubnaha Beesha Mataan Cabdulle ee bayaanka soo saaray, ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay xilligan ku mashquulsan tahay maamul u samaynta qaar ka mid ah goballada dalka Somalia, halka qaar kalena ay iska illowday, taasi oo ay Jaaliyadda ka digtay inay abuuri karto kacdoon siyaasadeed, waxayna jaaliyadda ayidday talladii Duubka dhaqanka ee Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Cali Malaaq Showri uu kusoo jeediyay in arrintaas wax laga qabto.

“Dadka uu kasoo jeedo Duubka ee dega Xamar iyo Labada Shabelle, si buxuda ayay ugu raacsan yihiin taladiisa, si looga bad baado dhibaato hor leh” ayaa lagu yiri bayaanka Jaaliyadda Mataan Cabdulle ee Wacbuudhan Abgaal.
Waxa ay ugu dambeyn sheegtay Jaaliyadda in Dowladda Federaalka Somalia looga fadhiyo mas’uuliyad, hogaan wanaagsan iyo caddaalad, taasi oo ah tan kala heysa ummadda, haddii la waayana ay iman karaan isku dhacyo.