Meydka Yaasir Carafat oo dib loo soo faagayo kadib sir la ogaaday.

Meydka hogaamiyihii hore ee Falastiiniyiinta Yaasir Carafaat ayaa lagu wadaa in dib loo soo faago maalinta talaadada ah, waxaa sidaas sheegay saraakiisha Falastiin.

Meydka Carafaat ayaa waxaa lagu sameyn doonaa baaritaan la xiriira in dhimashadiisii magaalada Paris ee sanaddii 2004 ay timid kadib markii la sumeeyay iyo in kale.

Warbixinada caafimaad ee Carafaat ayaa sheegaya inuu u geeriyooday cudurka Faaligga (Stroke), oo isku dhex yaac ku keenay habka shaqeynta dhiigiisa.

Hase yeeshee France ayaa bishii August billowday baaritaan la xiriira in la dilay Carafaat, kadib markii khuburo u dhashay dalka Switzerland, oo la shaqeynaya koox sheeko ka sameyneysa nolosha Carafaat ay waxyaabihii uu lahaa ay ka heleen shucaaca (radioactive) loo yaqaan polonium-210, oo ah nooc ka mid ah waxyaabaha dadka si fudud loogu dilo.

Marka meydka lasoo saaro talaadada ayaa saynisyahano ka socda dalalka France, Switzerland iyo Russia waxa ay dhammaantood ka qaadi doonan tijaabo, sida uu sheegay madaxii hore ee sirdoonka Falastiin Tawfik Tirawi.

Haddii ay caddaato in Carafaat la sumeeyay, tuhunka ugu horeeya waxa uu noqon doonaa Israel.