Safaarada Somalia ee Malaysia oo albaabada la isugu dhufanayo!

Warar nasoo gaaray ayaa sheegaya in albaabada la isugu dhufan doono safaarada ay Dowlada Somalia ku lahayd dalka Malaysia.

Safiirka safaarada Somalia ee dalka Malaysia Salaad Cali Ibraahim Catoosh oo aan xiriir la samenayay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo sababta keentay in safaarada la xiro, ayada oo wararku sheegayaan in bisha december lasoo geba gebeyn doono jiritaankeeda.

Hase yeeshee, Ilo lagu kalsoon yahay oo ayaa sheegaya in sababta safaarada loo xirayo ay tahay amar ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Somalia, halka warar kalena ay sheegayaan in deymo aad u badan safarada lagu yeeshay xilli ay ku howl galaysay guryo ay dad shacab ka kireysteen deeganka Kalang-jaya ee caasimada dalka Malaysia.

Sidoo kale, magaalada Muqdisho oo aan xiriir la sameynay xafiiska wasaaradda arrimaha dibedda, ayay ku diideen inay xaqiijiyeen ama beeniyeen warkan.

Dhowaan ayay wasiirka arrimaha dibedda Fowsiya Yusuf Xaji Adan sheegtay in dib u habeyn lagu sameyn doono siyaasadda arrimaha dibedda Somalia, lamana garanayo in taasi ay saameysay safaaradda iyo in kale.

Sida aan xog ku helnay dalal badan oo ku yaala Asia-da fog ayaa laga soo reebi doonaa kaliya safaarada Somalia ee China.

Dhanka kale, doorasho ay sanad walba qabsan jireen midowga ardayda dalka Malaysia ayaa u muuqata mid aan qabsoomi karin sanadkaan sababo ay qaar ka mid ah ardayda ku sheegeen musuq masuq iyo gacmo shisheeya oo arimaha ardayda soo fara galiyay.

Gudoomiyaha xiligaan ee midowga ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia Mowliid Isbandhays ayaa wararku sheegayaan in uu laalush ku bixiyay in waqti kale loogu daro, xilli aan loga baran ardayda in ay mudo kordhin sameystaan.

Arintaan ayaa ku soo aadaysa xilli ay ardayda u kala jabeen labo urur halkii ay markii hore ka ahaayen urur qura iyagoo u kala baxay labo garab oo garab u hogaaminayo Mowliid Isbandhays garabna ka hilaya xafiiska safaarada Somaliyeed ee dalka Malaysia iyo garab uu hogaminayo Mohamd Abdi Haameey oo ay inta badan ardayda Somaliyeed raacsan tahay.

By: Hassan ahmed Ruumani
UUM-Kedah
muawiye@gmail.com