Ozil, Iniesta, Pirlo iyo Ribery oo lagu daray Fifpro World XI 2012.

Ciyaaryahanka kooxda Real Madrid Mesut Ozil, xidiga kooxda Barcelona Andres Iniesta, kubad qaabeeyaha kooxda Juventus Andrea Pirlo iyo xidiga duula ee kooxda Bayern Munich Franck Ribery ayaa lagu soo daray liiska 15 ciyaarayahan oo qadka dhexe ka ciyaara una sharaxan ciyaaryahanka aduunka Union, FIFPro, iyo Fifa World XI 2012.

Liiskaan ayaa imaanaya ka dib markii lasoo saaray liiska shan gool haye iyo 20 daafac horaantii bishaan, waxaana sidoo kale Jimcada 29ka November lagu dhawaaqi doonaa liiska 15 weeraryahan oo u sharaxan Fifpro.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Los Blancos Ozil ayaa lagu abaal mariyey ka dib markii uu kooxdiisa la qeybsaday xilli ciyaareed guulo ah oo ay qaadeen La Liga.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain Iniesta ayaa liiskaan lagu daray ka dib markii uu xulkiisa ku hugaamiyey Euro 2012, wuxuuna door muhim ah ka ciyaaray xulka heysta koobka aduunka.

Ninka Talyaaniga ah ee Pirlo ayaa sidoo kale kooxdiisa ku hugaamiyey Serie A sanadii hore wuxuuna xulkiisa gaarsiiyey Finalkii Euro 2012.

Dhanka kale, xidiga kooxda Bayern Munich Franck Ribery ayaa ku jira liiskaan halka ciyaarayahanka qadka dhexe ee kooxda Manchester City Yaya Toure uu yahay xidiga keliya ee aan Yurub u dhalan oo liiskaan ku jira.

Line up-ka ugu dambeeya waxaa lagu dhawaaqi doonaa January 9, 2013.

Liiska 15-ciyaaryahan oo qadka dhexe ka ciyaara una sharaxan Line Up-ka Fifpro World XI 2012:

Xabi Alonso (Spain / Real Madrid), Sergio Busquets (Spain / Barcelona), Cesc Fabregas (Spain / Barcelona), Steven Gerrard (England / Liverpool), Eden Hazard (Belgium / Chelsea), Andres Iniesta (Spain / Barcelona), Frank Lampard (England / Chelsea), Luka Modric (Croatia / Real Madrid), Mesut Ozil (Germany / Real Madrid), Andrea Pirlo (Italy / Juventus), Franck Ribery (France / Bayern Munich), David Silva (Spain / Manchester City), Bastian Schweinsteiger (Germany / Bayern Munich), Yaya Toure (Cote d’Ivoire / Manchester City), Xavi (Spain / Barcelona).

Intaas waxaa sii dheer, liiska gool hayeyaasha oo ah Gianluigi Buffon, Iker Casillas, Petr Cech, Joe Hart iyo Manuel Neuer.

20-ka daafac ayaana kala ah ee u sharaxan Line Up-ka Fifpro ayaana kala ah:

Jordi Alba (Spain, Barcelona); Gareth Bale (Wales, Tottenham Hotspur); Giorgio Chiellini (Italy, Juventus); Ashley Cole (England, Chelsea); Dani Alves (Brazil, Barcelona); David Luiz (Brazil, Chelsea); Patrice Evra (France, Manchester United); Rio Ferdinand (England, Manchester United); Mats Hummels (Germany, Borussia Dortmund); Branislav Ivanovic (Serbia, Chelsea); Vincent Kompany (Belgium, Manchester City); Philipp Lahm (Germany, Bayern Munich), Marcelo (Brazil, Real Madrid); Javier Mascherano (Argentina, Barcelona); Pepe (Portugal, Real Madrid); Gerard Piqué (Spain, Barcelona); Carles Puyol (Spain, Barcelona); Sergio Ramos (Spain, Real Madrid); John Terry (England, Chelsea); Thiago Silva (Brazil, Paris St-Germain).

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.