Tobankii saxiix ee abid ugu fiicnaa Barclays Premier League.

20 sano ayaa laga joogaa markii ay Manchester United lasoo saxiixatay Eric Cantona, aan dibu milicsano Tobankii saxiix ee abid ugu fiicnaa Premier League.

Waxaa macquul ah inaan meesha ka saarno saxiixyo waa weyn oo aadan qiyaasi Karin, sababtoo ah waa kuwa aad loo garanaayo magacyadooda, sida Roy Keane, Rio Ferdinand iyo Wayne Rooney oo ay lasooo saxiixatay Manchester United tusaale ahaan.

Hadaba waxaan sidoo kale kusoo qaadaneynaa qeyb yar oo ah waxa uu qabtay ciyaaryahanku inagoo u bixinay Ma Ogtahay.

ERIC CANTONA

  • Kulamo: 156
  • Goolal: 70

Leeds ayuu kaga biiray Manchester United £1.2m 1992dii.

Waxaa la rumeysan yahay inuu Eric Cantona ahaa mid wax ka bedelay taariikhda Manchester United, waxaana xidigaan kooxda keenay tababare Sir Alex Ferguson

Cantona ayaa xirfadiisa kusoo bandhigay kooxdii markaas soo qaaday horyaalka championship-ka eeLeeds1992dii, waana markii horyaalka Ingiriiska laga bedelay magaciisii hore ee Division One. Si kastaba xidigaan wuxuu ahaa mid laga jecel yahay masraxa riyada.

Ma Ogtahay? Contana ayaa 26 gool ka dhaliyey 29 koox oo uu ka hor yimid wayihiisii Leeds wuxuuna ku guul darreystay inuu shabaqa kazoo taabto Bolton, Leicester iyo Manchester United.

DENNIS BERGKAMP

  • Kulamo: 315
  • Goolal: 87

Inter Milan ayuu kaga biiray Arsenal £7.5m 1995tii.

Dad badan ayaa laga yaabaa inaysan xasuusan inuu kooxda kusoo biiray inta uusan sutida u qaban tababare Arsene Wenger. Macalinkii Inter kala soo saxiixday wuxuu ahaa Bruce Rioch. Bergkamp oo looga fadhiyo inuu goolal wax tar leh dhaliyo wuxuu ku darsaday goosmooyinka garbaha. Wuxuuna isku muujiyey waqti uu ka hoos ciyaarayey George Graham.

Ma ogtahay? Bergkamp ayaa cawiyey 95 gool oo Barclays Premier League ah, waana in ka badan inta uu caawiyey ciyaaryahan kale oo Arsenal ah.

THIERRY HENRY

  • Kulamo: 258
  • Gool: 175

Juventus ayuu kaga biiray Arsenal £11m 1999kii.

Hadii la dhahayo ciyaaryahan ayaa ku dhow Cantona marka loo fiirsho saxiixyada tayada leh ee EPL waa Thierry Henry.

Markii uu Arsene Wenger kala soo wareegy Juventus wuxuu ahaa mid ka ciyara garabka bidix laakiin wuxuu halyeey u noqday kooxdaLondon.

Ma ogtahay? Henry ayaa ah ciyaaryahanka ugu fiican marka celcelis ahaan loo fiirsho gool dhalinta ciyaaryahanada kale wuxuu dhaliyey 30 gool oo Premier League ah (121.8 daqiiqo ee kasta)

FRANK LAMPARD

  • Kulamo: 529
  • Goolal: 153

West Ham ayuu kaga biiray Chelsea £11m 2001dii.

Frank Lampard ayaa loo arkaayey xidig aysan tayadiisu dhamaan waana gool dhaliyaha sedaxaad ee ugu sareeyaChelsea, wuxuu ka dambeeyaa Bobby Tambling iyo Kerry Dixon.

Waxaa la sugaa kubado awood ku riix ah ama goolal caijiib ah, iyo inuu yahay halyeey Blues ah.

Ma Ogtahay? Lampard ayaa heysta Rikoorka gool dhalinta isku xiga in ka badan 10 Horyaal oo EPL ah (Sagaal gool oo isku xigta ayuu dhaliyey intii u dhexeysay 2003-04  ilaa 2011-12)

CRISTIANO RONALDO

  • Kulamo: 196
  • Goolal: 84

Aynu mar kale ku laabano Manchester United iyo Cristiano Ronaldo kaasoo hada kaalinta labaad kaga jira ciyaaryahanka ugu fiican caalamka isagoo ka dambeeya Lionel Messi.

Xidiga Real Madrid ayaa waayo aan la hilmaami Karin kusoo qaatay Man United makii ugu horeysay ee uu yimid Old Trafford waxaa la dhihi jiray waa Thierry Henry yaraa.

Waxaana lagu xasuustaa inuu 42 gool oo horyaalka ah dhaliyey 2007-08,, Ronaldo ayaa looga yaqanaa Masraxa Riyada sida halyeey Eric Cantona.

Ma Ogtahay? Ronaldo ayaa heysta Rikoorka gool dhalinta ugu badan ee keliya 20 koox xili ciyaareed EPL ah (31 gool ayuuna ka dhaliyey 2007-08)

ALAN SHEARER

  • Kulamo: 441
  • Goolal: 260

Southampton ayuu kaga biiray Blackburn Rovers (£3.3m, 1992) wuxuuna ka aaday Newcastle United £15m 1996.

Qof walba ayaa u maleynaayey inuu Alan Shearer ku biirayoManchesterUnited markii uu ka tegay Southampton laakiin wuxuu u huleelayBlackburnxilli ay uga mahad celinayeen awooda ninka kooxda iska lahaa Jack Walker, kazoo dhisay kooxdii ku guuleysatay Horyaalka.

Rovers ayaa heysan weysay ciyaaryahanka wuxuuna si Rikoor ah 3.3 milyan oo ginni kula soo saxiixday Kenny Dalglish 1992dii, waana ka dib markii ay ku guuleysteen Premier League.

Ma Ogtahay? Shearer waa gool dhaliyaha ugu sareeya taariikhda Horyaalka Ingiriiska wuxuuna leeyahay260 gool.

RUUD VAN NISTELROOY

  • Kulamo: 150
  • Goolal: 95

PSV Eindhoven ayuu kaga biiray Manchester United £19m 2001dii.

Ruud van Nistelrooy ayaa ahaa mid la yaab ka dhigay waayihiisii Red Devils wuxuuna dhaiyey goolal badan halka uu kuwo kale qasaariyey.

Sir Alex Ferguson ayaase iska diray 2006dii laakiin wuxuu ahaa weeraryahan ay adag tahay in la celiyo awood ahaan iyo maskax ahaan.

Ma ogtahay? van Nistelrooy ayaa heysta Rikoorka gool dhalinta isku xigta ee kulamo EPL ah (10 gool ayuu dhaliyey intii u dhexeysay March iyo August 2003dii)

XABI ALONSO

  • Kulamo: 143
  • Goolal: 14

Real Sociedad ayuu kaga soo biiray Liverpool £10.7m 2004tii.

Xabi Alonso ayaa door muhim ah ka ciyaaray kooxdiiLiverpoolee hanatay Champions League xilligii uu hayey Rafa Benitez 2005tii.

Waa xidiga ay inta badan ka murgaan taageerayaasha Liverpool ka dib markii uu 2009kii kaga biiray Real Madrid, waxayna u arkayeen xidig fure u ahaa inuu waqti badan lasii ciyaaro Steven Gerrard.

Ma Ogtahay? Alonso ayaa heystay celcelis ahaan baasas dhan 61.2 kulan walba oo Liverpool uu u ciyaaray, keliya Cesc Febregas ayaa ka fiican kaasoo heysta 62.3 baas kulan walba oo uu Gunners u ciyaaray Alonso ayaa shan sano ka ciyaaray Horyaalka England.

DIDIER DROGBA

  • Kulamo: 226
  • Goolal: 100

Marseille ayuu kaga biiray Chelsea £24m 2004tii.

Didier Drogba Waa ciyaaryahan kale oo aan bedelkiisa si fudud lagu heli doonin marka la eegoChelsea. Awoodiisa iyo maskax ahaan oo uu istaago booska ku haboon gool dhalinta Waxay u muuqataa mid aan sahal lagu heli doonin. Waxaana asxaabtiisa ay isku kooxda yihiin kula  kajami jireen inuu nasiib u leeyahay inuu goolal ka dhaliyo Arsenal.

Ma Ogtahay? Drogba ayaa noqday ciyaryahankii ugu horeeyey ee African ah oo 100 gool ka dhaliya Horyaalka Ingiriiska.

PETR CECH

  • Kulamo: 268
  • Badbaadooyinka uu sameeyey: 132

 

Rennes ayuu kaga biiray Chelsea £7m 2004tii.

Petr Cech Waa halyeey goolka u qabta Blues mana ahan mid ay taageerayaasheedu iloobi karaan ka dib wixii uu sanadii hore ka sameeyeyMunich.

Ma Ogtahay? Goolhaye yaashii soo ciyaaray EPL 20kii sano ee lasoo dhaafay, Petr Cech ayaa ugu fiican wuxuuna badbaadiyey 132 darbo oo toos ah 268 kulan.

Sideed u aragtaa Tobankaan ciyaaryahan ee aan soo qaadanay yaad kusoo dari laheyd? Inoo sheeg fikirkaaga adigoo ku qoraya qeybta Comment-ga.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.