Faarax C/Qaadir-ka Damul Jadiid oo ugu dambeyn xil loo magacaabay.

In muddo ah ayay socotay sheekada ku saabsan xilka uu hogaamiyaha kooxda Damul-Jadiid Faarax Sheikh Cabdulqaadir ka hayo Dowladda Somalia.

Xildhibaan Faarax ayaa dad badan su’aalo ku dhaliyay sababo la xiriira sida uu mar walba ula socdo ugunu dhow yahay madaxweyne Xasan Sheikh, maadaama uusan wax xil ah ka heyn Dowladda.

Si kastaba, Faarax Sheikh Cabdulqaadir ayaa markan si rasmi ah loogu magacaabay la taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, taasi oo meesha ka saari doonto su’aalihi ku saabsan waxa daba dhigay madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xilkaas u magacaabay Faarax Cabdulqadir, kadib markii ay suurta gali weyday inuu wasiir ka helo xukuumadda Saacid, oo uu dadaal xoogan u galay.

Socdaalkii uu shalay madaxweynaha ugu baxay dalalka deriska ah ayuu Faarax Cabdulqaadir ku wehliyay isaga oo ku magacaaban xilkaas cusub ee loo magacaabay.