Cech: Abramovich ciyaaryahankii khilaafsan haka tago Chelsea.

Petr Cech ayaa u digay ciyaaryahan walba oo khilaafsan milkiile Roman Abramovich. Wuxuuna u sheegay hadii aysan la dhacsaneyn siyaasadiisa inay kooxda isaga tagaan.

Abramovich ayaa isbuucii hore raacdeeyey Roberto Di Matteo ka dib bilooyin markii uu Tababaraha Talyaanigu guulihii Horyaalka Yurub ku hugaamiyey kooxda Galbeedka London.

Wuxuuna si la yaab leh ugu bedelay geesigii hore ee hugaamin jiray Liverpool Rafa Benitez.

Balse ninka reer Spain Rafa Benitez ayaan soo dhoweyn kala kulmin taageerayaasha Chelsea kulankii gool la’aanta ay la galeen Manchester City.

Balse Cech ayaa ugu sheegay ciyaartoyda intii ay ku jireen qolka labiska Blues sida laga soo xigtay The Sun in hadii aysan raacsaneyn siyaasada Roman ay kooxda isaga tagaan.

“Waa inaad la qabsataa hadii kale iska taktaa. Sida ugu fudud ayaa midaas ah,” ayuu yiri goolhayaha Chelsea.

“Halkaan waxaad u joogtaa inaad ciyaarto, halkaan waxaad u joogtaa inaad qabato shaqada ay kooxda iyo tababaruhu kuu diraan. Hadii aadan jecleysan, waad iska tehi kartaa.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.