Silvio Berlusconi: Pato kuma bedelaneyno Mario Balotelli.

Mario Balotelli ayaan boos uga banaaneyn AC Milan iyadoo ay Man City dhaafsaneyso xidiga reer Brazil Alexandre Pato, sida laga soo xigtay madaxweynaha kooxdaas Silvio Berlusconi.

Milan ayaan qarsan sida ay u jeceshahay weeraryahanka kooxda City iyo xulka Talyaaniga, balse Berlusconi ayaa caro ku shubay wararka saxaafada ee soo jeedinaya inay Milan Pato u isticmaali karto qeyb heshiiska ka mid ah.

Berlusconi ayaa weli doonaya inuu soo kexeysto Balotelli, laakiin wuxuu qirtay inuusan xidiga heerka caalami ee dalka Brazil iib aheyn.

Ra’iisul wazaarihii hore ee dalka Talyaaniga ayaa u sheegay Milan Channel: “Isdhaafsashada lala xiriirinayo Pato iyo Balotelli? Ma aan jecli wax kala bedelashada.

“Pato sida muuqata suuqa ma yaal. Waa mid ka mid ah ciyaartoydeena ugu fiican wuxuuna leeyahay tayada uu halyeey halkaan uga noqon karo sanadaha soo aadan.

“Nasiib darro, waxaa ku habsaday dhaawacyo, laakiin hada waxaan u baahanahay inaan cagta u saarna wadada toosan.

“AC Milan waa kooxda ku wanaagsan inay heysato.”

Roberto Mancini ayaa 2010kii Balotelli kala soo wareegay Inter Milan, waxaana ku baxay qarash dhan 24 milyan oo ginni laakiin ma uusan u muuqan inuu kooxda wax tar ku leeyahay tan iyo markaas.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.