Jaamacada SIMAD oo war ka soo saartay qaraxii lala beegsaday baabuurkeeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen qarax uu ku geeriyooday mid ka mid ah Shaqaalaheeda oo barqanimadii Maanta ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qoraal ay soo dhigeen Barta Facebook Maamulka Jaamacadda ayaa waxa ay ku sheegeen in qaraxa uu haleelay gaari ay leedahay Jaamacadda xilli uu marayay qeybo ka mid ah wadada 30-ka ee Magalada muqdisho, isla markaana uu ku geeriyooday Maxamed Jeylaani Abuukar oo ka mid ahaa Shaqaalaha Jaamacadda.

Sidoo kale qaraxaas waxaa ku dhaawacmay Xuseen Axmed Maxamed oo ka mid ah Shaqaalaha Jaamacadda, kaas oo dhaawiciisa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada Magalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka Ehelada iyo Maamulka Jaamacadda SIMAD uga tacsiyadeeyey geerida Maxamed Jeylaani Abuukar oo ka mid ahaa Shaqaalaha Jaamacadda SIMAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com