Sawirro: Axmed Madoobe oo Xamar la yimid ciidan si cajiib ah u qalabaysan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa soo gaaray Magalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Axmed Madoobe oo kasoo kicitimay Magalada Kismaayo ayaa waxaa uu wataa ilaalo gaar ah,waxaana Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho kusoo dhaweeyey  Wasiiro ay ka mid yihiin  Arrimaha Gudaha,Amniga iyo xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

Ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta kasoo degay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyagoo la socday diyaaradii kasoo duulisay magaalada Kismaayo waxaana tiradooda lagu sheegay in ku dhow 20 nin oo si gaara u tababarran.

Axmed Madoobe oo hore u yimid Muqdisho ayaa wadan wax ilaalo ah, laakiin horaantii bishii Janaayo ayuu magaalada Garowe la tegay ciidamadan, iyadoo markaasi loo diyaariyey Gawaari nooca dagaalka ah oo ay adeegsadaan.

Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in uu imaanayo Magalada Muqdisho, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland  markii uu Kismaayo tegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Axmed Madoobe ayaa  Magalada Muqdisho waxa uu kulan kula qaadan doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameystiro xalinta mad madowgii siyaasadeed soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Cabdiweli Gaas oo Madaxweyne kasoo noqday Puntland ayaa hore arrintaan uga bilaabay Soomaaliya, waxayna caadadiisa aheyd inuu Muqdisho la imaado ciidamo gaar u ah oo aad u hubeysan.

Sidoo kale waxaa arrin noocaan oo kale ah sameeyey madaxweynihii hore ee Puntland Faroole oo weliba kulanka Baarlamaanka la tagay ciidamo gaar u ah oo uu kala imaaday Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com