Waddamada Carabta oo si weyn u garab istaagay Somalia xilli ay is-hayaan Itoobiya

Manama (Caasimada Online) – Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta meertadiisa 33-aad oo lagu soo gaba-gabeeyay dalka Baxreyn ayaa markale taageero loogu muujiyay Soomaaliya.

Shir-madaxeedkan ayaa waxaa bayaan laga soo saaray waxaa lagu xaqiijiyay in ay si hagar la’aan ah u taageersan yihiin madax-bannaanida, wada-jirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si loo ilaaliyo madax-bannaanideeda iyo midnimada loogana hortaggo tallaabo kasta oo wax u dhimi karta.

Sidoo kale waddamada Jaamacadda Carabta waxay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto la-dagaallanka Al-Shabaab, sugidda amniga dalka, xasilloonida iyo horumarinta geeddi-socodka horumar waara iyo barwaaqo si ay u gaaran shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka qayb-galay shirkaan ayaa madaxda kale la wadaagay dadaalada iyo horumarka weyn ee dowladda ay ka gaartay dagaalka argagixisada, sugida amniga, hormatinta dhaqaalaha iyo dowladd wanaaga.

Xamza ayaa sidoo kale madaxda Carabta u sheegay intii uu socday shirka in Itoobiya aysan weli ka laaban heshiis beenaadkii ay ku dooneyso qeybo kamid biyaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay wado qorshe ay jid ugu bixineyso heshiiska badda.

“Itoobiya weli kama waantoobin damaceedeen gurrucnaa iyo faro-gelinteedii ka dhan ahayd arrimaha Gudaha Soomaaliyeed, iyaga oo isku dayeya in ay jid u bixiyaan heshiiska sharci darrada ah ee dhibaato ku ah amniga dalalka Carabta, midka heer gobol iyo marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Baabul Mandab,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Xamza ayaa khudbaddiisa ku dul istaagay faro-gelinta ka dhanka ah madax-bannaanida qarannimada Soomaaliya ee ay ku kacday xukuumadda Addis Ababa, taasi oo ay meel adag iska taagtay dowladda federaalka, uuna inta badan caalamka ku taageeray.

Itoobiya ayaa tan iyo markii ay qalinka ku duugtay heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland waxay wajaheysa cadaadis diblumaasiyadeed, waxayna hadda isku dayeysa inay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan maamullada xulafeysi la sameysato, taasi oo uga sii dareysa xiisadda labada dhinac.