28.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Jab weyn oo soo gaaray Imaaraadka Carabta laguna qasbay in Burj Al Arab la…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) – Hoteelka sida weyn caalamka looga yaqaano ee Burj Al Arab oo ku yaalla magaalada Dubai ayaa la xiri doonaa muddo 18 bilood ah si dib-u-habeyn ballaaran loogu sameeyo, arrintaas oo ka dambeysay hoos u dhac ba’an oo ku yimid waaxda dalxiiska ee dalkaas, taas oo ka dhalatay weerarradii ay Iiraan ku qaadday Imaaraadka Carabta.

Bayaan ay soo saartay shirkadda iska leh hoteelka ee Jumeirah Talaadadii, ayaa lagu sheegay in shaqadan “mudada dheer la sugayay” loo fulin doono wejiyo kala duwan muddo ku dhow 18 bilood, waxaana mashruucan hoggaamin doona naqshadeeyaha qaabeynta gudaha ee fadhigiisu yahay magaalada Paris, Tristan Auer.

In kasta oo bayaanka shirkaddu uusan si cad u qeexin in hoteelkan u eg shiraaca doonta uu ahaan doono mid furan inta lagu jiro dayactirka, sarkaal ka tirsan shaqaalaha hoteelka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay in gabi ahaanba la xiri doono.

Wuxuu intaas ku daray in macaamiisha horay usii qabsaday hoteelka la siin doono goobo kale oo beddel ah oo ay dagaan, kuwaas oo ku yaalla hoteellada ka ag dhow.

Hoteelka Burj Al Arab, oo ay weheliyaan dhismaha adduunka ugu dheer ee Burj Khalifa iyo Jasiiradaha macmalka ah ee Palm Islands, ayaa ka mid ah dhismayaasha indhaha caalamka soo jiita ee ku yaalla Dubai. Hase yeeshee, hoteelkan ayaa waxaa soo gaaray burbur ka dhashay haraadiga diyaarad drone ah oo laga soo riday Iiraan, taas oo hawada lagu burburiyay bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Iyadoo shirkadda Jumeirah aysan bayaankeeda ku soo hadal qaadin dagaalka Iiraan, haddana waxaa la rumeysan yahay in weerarada Iiraan ay ku qaadday Imaaraadka iyo dalalka kale ee Khaliijka ee martigeliya saldhigyada Mareykanka, ay sababeen in tiro badan oo ajaanib iyo dalxiisayaal ah ay gabi ahaanba isaga qaxaan gobolka.

Dagaalkan oo qarxay daba-yaaqadii bishii Febraayo, kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weeraro ku qaadeen Iiraan, ayaa saameyn baaxad leh yeeshay bil gudaheed. In ka badan $120 bilyan oo dollar ayaa la soo weriyay inay ka luntay qiimaha suuqyada saamiyada ee Dubai iyo Abu Dhabi, halka sidoo kale la baajiyay in ka badan 18,400 oo duulimaad.

Xaaladdan ayaa si weyn u dhaawacday sumcaddii uu dalka Imaaraadku dhistay ee ahayd inuu yahay goob ammaan ah oo xasiloon oo ku habboon ganacsiga iyo dalxiiska, isagoo ku dhex yaalla gobol inta badan ay hareeyeen qalalaase siyaasadeed iyo dagaallo.

Si ka duwan waddamada Sacuudi Carabiya iyo Cumaan, oo suuqyadooda saamiyadu ay sare u kaceen sababo la xiriira qiimaha shidaalka oo qaaliyoobay, qaab-dhismeedka dhaqaale ee Imaaraadka oo si weyn ugu xiran caalamka, salna u ah dalxiiska, guryaha, saadka iyo maaliyadda, ayaa wajahnay dhabar-jab toos ah.

Ilaa iyo 28-kii Maarso, Iiraan ayaa Imaaraadka ku riday 398 gantaallada ballistic-ga ah, 1,872 diyaaradaha drones-ka ah iyo 15 gantaallada cruise-ka ah, taas oo dalkan ka dhigtay midka labaad ee sida weyn loo beegsaday marka laga reebo xulafadiisa dhow ee Israa’iil.

In kasta oo hubkaas badankooda hawada lagu burburiyay kahor inta aysan dhulka soo gaarin, haraadigii ka soo dhacay ayaa khasaare iyo burbur gaarsiiyay goobo kala duwan oo xasaasi ah oo ku yaalla Abu Dhabi iyo Dubai, oo ay ku jiraan hoteelka Burj Al Arab, Palm Jumeirah, garoonka diyaaradaha ee Dubai iyo aagga warshadaha shidaalka ee Fujairah.

 

- Advertisement -

Read more

Local News